Boosaaso (WDN)- In ka badan 110-Dolphin oo bakhti ah ayaa la sheegay in ay ku soo caariyeen meel aan ka fogen dekeda Boosaaso, ee maamul-goboleedka Puntland, Soomaaliya. Ma cadda ilaa hadda sababta keentay dhimasha Dolphin-ka.

Wasiirka kaluumaysiga ee Puntland Md. Cabdirisadaq Cabdillaahi Xagaa, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters, in ilaa hadda la tiriyay ugu yaraan 110 Dolphin ah oo dhintay, iyada oo la qaaday baaritaano si loo ogaado sababaha keenay dhimashada Dolphin-ka.
“Ilaa hadda, waxaan ognahay in dhimashadooda aysan ka dhalan nabar ka soo gaaray shabaqyada kaluumaysatada, sababtoo ah ma jiraan wax dhaawac ah oo ka muuqda,” ayuu yiri Mudane Cabdirisaaq.
Dhinac kale war-saxafadeed ka soo baxay Wasaaraddaha Degaanka iyo Isbeddelka Cimlada iyo Kalluumeysiga, ayaa lagu sheegay in ay iska kaashanayaan baaritaanka sababaha dhaliyay dhimashada Kaluunka Dolphin-ka.
Shacbiga deegaanka Boosaaso ayaa ku soo ururay goobta uu ku soo caariyay Dolphin-ku, iyada oo dhimashada Dolphin-ka ay keentay ur aad u xun, oo dadka deegaanka ka ag dhow ay dareemeen.
Dadka ayaa aminsan in sababta keentay dhimashada Dolphin-ku ay tahay sun lagu shubay xeebaha Soomaaliya.
WardheerNews
Leave a Reply