Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Doloow: Xirista xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya oo saameysay isku socodka ganacsiga

Keydka sawirrada Ergo

Aweys Axmed Aadan oo ku nool Doolow wuxuu ka mid yahay dadka ku xamaasha gaari-gacanka u kala gudbiya badeecadaha labada dhinac ee xudduudda. Waxaa iminka la soo daristay shaqa-la’aan uga timid xiritaanka xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ee 29-kii Maarso  taasoo ka dhalatay cabsida laga qabo cudurka Korona.

Aweys wuxuu muddo shan sano ah ku xamaalanayay hawshaas gaari-gacanka wixii dhaqaale ahaan ka soo galana uu ku maareynayay reerkiisa oo ka kooban ilaa lix qof. Raadiyo Ergo ayuu uga warramay sida ay arrintan xiritaanka xudduudda u sameysay noloshiisa.

”Gaari-gacan aan ku shaqaysanaayay, markii ay buundadu furnayd maalintii waxaan helaalaya shan doollar, hadda maantana waxaa laga yaabaa inaan helo hal doollar, mise waaba wayneysaa, waxaan qaadi jiray dadka alaabada dukaannada ka qaata yaan u qaadaynaa, gaddigaasaan geynayna, markii aan kasoo laabanana haddana meesha allaab aan kasoo qaadaynaa, gaddigaan aan haddana keenaynaa.” ayuu yiri Aweys

Qoyska Aweys marka laga soo tago gaari-gacanka ma jiro il dhaqaale kale uu ka soo galo. Shaqada muruq-maalka ayuu ka heli jiray shan doollar taas oo uu ku dabbari jiray biilka qoyskiisa iyo kirada hal qol oo ay deggan yihiin, waxaana uu ka walwalsan yahay sida uu xaalku noqon doono haddii xudduuddu ay sii xirnaato.

Saameynta xirnaashaha xudduudda keli kuma aha xoogsatada, waxaa iyana jira ganacsato si maalinle ah ugu gudbi jiray degmada Doolow Addo. Maxamed Wardheere oo dukaan lagu iibiyo qalabka electronic-ga ku leh halkaas, tan iyo kowdii bishan ma uusan tagin goobtiisa ganacsiga, wuxuuna Raadiyo Ergo uga sheekeeyay xaaladda iminka haysta iyo saameynta ay ku yeelatay xirnaanshaha xudduudda.

”Buunddadii waa la xiray, sidaa daraadeed Doolow-soomaali ayaan iska joogaa ilmahaygii ayaan dhax-joogaa, shaqaan qabanaayo malaha cudurkan karoona fayras dartiis, markii hore ilmahaan u soo qaraaban jiray, Doolow-itoobiyaan u shaqo-tagi jiray, marka cudurkan dartiis waxaan qabanaayo malaha, meelaan wax ka keenaayo malaha, haddaad tiraahdid asxaabtaan dhaxgalayaa waxaan ka soo raadsanaa ayagii iyo ani isku mid baan nahay, iyaga ma shaqeeyaan anigana sidoo kale ma shaqeyo.”

Qoyska Maxamed oo biil ahaan maalinkii isticmaala 100 bir oo u dhiganta labo doolar iyo bar ayaa waqtigan ka qaata dukaan suuqa Doolow ku yaalla, halka xilligii hore uu biilka reerka maalinkii ka soo saari jiray xaruntiisa ganacsi. Maxamed ayaa sheegay in xilliyada qaar uu ka fikiro inuu raaco laashash yar-yar oo webiga iskaga kala goosha si ganacsigiisa uu u sii wato, balse aysan suuragal ahayn maaddaama ay xaaskiisu dhowaan umushay.

Ganacsatada qudaarta ee suuqyada Doolow dhankooda si wayn ayay u dareemeen xirnaashaha xudduudda maaddaama qaar ka mid ah qudaarta ay iibiyaan ay kasoo gaari jirtay gudaha Itoobiya. Cabdulqaadir Yoonis wuxuu qudaarta ku iibiyaa suuqa qudaarta degmada Doolow, wuxuu raadiyo Ergo u sheegay in suuqa ka sii yaraaneyso qudaartii ugu imaan jirtay Itoobiya sida mooska, barandhada, iyo qeybo ka mid ah qudaarta cagaaran. Waxa uu intaa raaciyay in xilligan suuqyada qudaarta laga dareemayo sare u kaca qiimaha.

“Xirnaashaha buundada oo sii mareysa labbo usbuuc, saameyn aad u ballaaran ayay nagu yeelatay, maxaa yeelay qudaarta sida mooska iyo barandhada, qudaarta cagaaran dhankaas ayay noogu imaan jirtay hadda noogama timaaddo, marka saamayn aad iyo aad u ballaaran ayay nagu yeelatay haddana markaad eegto waxaad mooddaa inay ka sii dabar go’ayso qudaarta magaalada.”

Cabdulqaadir ayaa intaa raaciyay inay jiraan ganacsatada qaarkood ay qudaar ku soo gudbiyaan doomo balse taasi aysan baajin qiimo kororkan.

Sidaas si la mid ah ayay xirnaanshahan xudduudda Doollow ay saameysay dadka qaxootiga ah ee Soomaalida ee ku nool dhanka dawlad-degaanka Soomaalida oo ay buundadu u ahayd marin ay waqti walbaa isaga gudbaan taasoo iminka joogsatay.

Source: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.