Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Diyaargarowga Doorashada Guddoonka Aqalka Hoose oo Si Habsami Ah Muqdisho Uga Socda

Muqdisho (WDN), Ayadoo maanta ay ku ekayd isdiiwaangelinta musharraxiinta aqalka hoose ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya dhaqdhaqaayo xooggan oo ku aaddan udiyaargarowga doorashada guddoonka aqalka hoose ee B.F. Soomaaliya.

Guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka ayaa shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyey 22 musharax oo u taagan xilka guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen, waxaana lagu wadaa in ay qabsoonto 27-ka bishan Abril.

Musharaxiinta ugu cadcad xilka guddoomiyaha aqalka hoosse ayaa waxaa ka mid ah:

1. Guddoomiyihii hore golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

2. Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdullaahi.

3. Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Madoobe.

Xilka Ku xigeenka 1aad musharaxiinta u taagan waxaa mid ah xildhibaan Maxamed Cumar Caanuug, halka ku xigeenka 2aad uu ugu cadcadyahay xildhibaan Maxamed Xuseen Abuukar.

Sidoo kale dhaqdhaqaaqyo xooggan oo la xariira doorashada labada aqal ayaa aad looga dareemayaa magaalada Muqdisho xilli magaalada ay ku suganyihiin madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland, ayagoo wada kullamo ay la qaadanayaan xildhibaanada labada gole.

Dhanka kale Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ayaa soo saarey xilliga ay dhacayso doorashada guddoonka aqalka sare maadaama ay maanta ku ekeyd isdiiwaan gelinta musharaxiinta doonaya in ay u tartamaan xilalka guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen.

Sida ku cad jadwalka gudiga doorashada soo saaarey 23 illaa 24ka bishan Abril ayey musharaxiintu billaabi doonaan hadaljeedintooda, waxaana illaa hadda is diiwaangeliyey 12 musharax oo xilalkaas u taagan.

26-ka Abril ayuu guddiga doorashadu sheegay in ay dhacayso doorashadu, waxa uuna guddigu intaa ku daray inay haatan ku hawlanyihiin udiyaargarowga doorashadaas oo si xor iyo xalaal ah u dhacda.

WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.