Dibadbaxyo loogaga soo horjeedo madaxweyne Geelle oo ka dhacay Jabuuti

Waxaa maalintii Jimcihii oo taariikhdu ku beegnayd 21.03.2014 ka dhacay xaafado kala geddisan oo ka tirsan magaalada Jabuuti mudaharaadyo lagaga soo horjeeddo maamulka madaxweyne Ismaaciil Cumar geelle.
Jabuuti_Mudaharaad1Mudaharaadyadan oo ay soo abaabuleen dallada mucaaradka jabuuti ee loo soo gaabiyo USN, ayaa la sheegayaa in ay ahaayeed kuwo aad u ballaadhan oo gilgilay guud ahaanba magaalada Jabuuti.
Dadka mudaharaadka samaynayay oo isugu jiray qaybaha kala geddisan ee bulshada reer Jabuuti ayaa sitay boodhadh ay ku qoranyihiin halkudhegyo muujinayana dareenkooda.
Mucaaradka Jabuuti ayaa iyagu dhaqdhaqaaqyadooda ay kaga soo horjeeddaan xukuumadda uu hoggaanka u hayo madaxwweyne Geelle sii kordhiyay tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii uu muranku ka dhashay ee bishii Febraayo ee sannadkii hore ka qabsoontay dalka Jabuuti.

Leave a Reply

Your email address will not be published.