Kismaayo, Meey 26, 2013 (WDN)- Bannaanbax uu soo qaban qaabiyay maamulka Jubbaland garabka uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo looga soo horjeeday madaxweynaha Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud.
Bannaabaxayaasha, oo socod ku soo maray waddooyinka qaar ee Kismaayo, ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay Madaxweynaha Soomaaliya kaga dalbanayaan in uu fara galinta ka daayo Kismaayo.
Waxay sidoo kale muujinayeen in aanu madaxweynuhu taageerin sida ay yiraahdeen kooxda Shabaab.
Dadka dibad baxyada dhigaayay, ayaa taageersan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.
Ma jiro cid ka tirsan maamulka dibad baxa soo qaban qaabiyay oo ka hadlay bannaan-baxaasi.
Qeybtan hoose ka daawo sawirada dadka bannaanbaxa dhigay.
Jamaal A. Cismaan
WardheerNews.com
Neyroobi, Keenya
Leave a Reply