

2) Dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa, xukun sharci iyo ilaalinta xuquuqda Soomaalida (Rule of law and protecting Somalis and securing rights),
3) Sidii loo dabooli lahaa baahida asaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan haweeka iyo dhallinyarada, Maamulka dhaqaalaha iyo dhisidda kartida hay’adaha (Economic Governance and Institutional capacity Building), Xiriirka Soomaalida iyo Beesha Caalamka, Dowrka Hoggaaminta ee Dhisidda Dowladnimo (The role of leadership in state-building).
In si degdeg ah loo dhiso Guddiga Adeegga Garsoorka (Judicial Service Commission) si loo hormariyo xukunka sharciga (rule of law), loona dhiso Maxkamadda Dastuurka iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed.
Dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka,
Diyaarinta Shuruucda Nidaamka Federaalka iyo Hannaanka Xisbiyada Badan,
Dhismaha Guddiga Runta iyo Dib u Heshiisiinta (Truth and Reconciliation Commission).
Xagga Baahida Bulshada, gaar ahaan Haweenka iyo Dhallinyarada:
In ay dowladdu hirgeliso tababarro xirfadeed (vocational trainings) ee heerar kala duwan, shaqana loo abuuro dhallinyarada da’doodu ay u dhaxayso 14 ilaa 29 sannadood ee ku kala nool miyiga iyo magaalooyinka.
In la abuuro Guddi Qaran ee u xilsaaran waxbaridda iyo shaqo u abuuridda dhallinyarada.
In haweenka la siiyo fursado iyo mudnaan ay uga qayb qaataan dhammaan hawlaha lagu hormarinayo dalka sida siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha si simanna ay wax ula wadaagaan ragga.
In haweenka loo abuuro xarumo lagu dhiso awooddooda, codkoodana lagu maqlo iyagoo ka qayb qaadanaya arrimaha caddaaladda, amniga, la dagaallanka argagixisada, nabadda iyo dhisidda dowladeed.
Xagga Dhaqaalaha:
Shirku wuxu isku raacay in la dhiso “Hay’adda Hufnaanta Maaliyadda (Financial Integrity Authority)” iyo Guddiga Ladagaallanka Muqmaasuqa (Anti-Corruption Committee”.
Leave a Reply