Cabdillaahi Macallin Axmed (Dhoodaan), Alle ha u naxariisto. Geeridiisa waxaa ku baxay gabayaa iyo abwaan aan marna meeshiisii cid buuxisa la heleynin. Hibadiisa halabuurnimo qof aan barbardhigo, marka ay tayda tahay, ma garanayo. Dhoodaan, Alle ha u naxariisto, maanso ahaan, waxaan ku tilmaami karaa ifafaale ay soo noqnoqoshadiisu dhif tahay.

Waxa uu gooni ku ahaa quwadda ereyadiisa maanseed, suuraynta fikradda uu soo tebinayo, hodantinnimada aqoonta iyo tusmaynta nolosha miyiga iyo xoolodhaqatada Soomaaliyeed iyo erey-tusmeedyada degaanka iyo waayahiisa kala duwan oo ay yar tahay cid ku gaadhi kartaa, haddii la helo ba. Waxaan ereyo kooban hadda ku soo tebinayaa tusaalooyinka ku saabsan wax aan u la baxay murti gabay ama gabay ku maahmaah iyo ta kale oo iyana ah maansaynta maahmaahda Soomaaliga. Ta hore waa dhismaha sadarka ama beydka maanseed iyo ilaa tuduca oo loo dhigo sansaan maahmaaheed; ta dambe na waa maahmaahdii Soomaalida oo la maanseeyo. Faallo badan ka geli maayo ee tusaaleyaasheeda ayaan u badanayaa.
Waxaa la odhan karaa oo run ah kelidii ma aha; waxaase iyana run ah haddii ay cidi gabay ku maahmaahday, heerka Dhoodaan, Alle ha u naxariist’ee, cidina ka ma gaadhin. Waxa uu cid walba dheeraa sida iyo ilaa xadka uu maansayn jiray maahmaada soomaaliga. Labada tixood ee Garnaqsi iyo Galaal-xoor, ayeynu maahmaahyaha ku soo arooray meelo ka daymoonaynaa. Gabay ku maahmaahiisa ku jira garnaqsi waxaa ka mid ah:
Kol Hadd’ay garkaa iyo garkaa geesna qaban waydo,
Inaad gebi-dhacdaa way xun tahay oo’d galgalataaye,
Bari iyo galbeed xaajo waa mid u gawaan raac.
Haddii aynu weliba sii raac-raacno tuducyada hore ee Garnaqsi waxaynu ugu tegeynaa gabay-ku-maahmaah aan kala go’ lahayn. Waxa ka mid ah:
Kurus geel siddeed jir ah mar bay guduri dhaantaaye,
Guduudane mar buu kuu noqdaa aar gaboodya lehe,
Gendi weheshad baa kaaga roon xoonsho guruc dheere,
Gudcurk’iyo caddadu waa midk’aan gibilku saarrayn.
Waxaa ka sii badan oo runtii aan garan waayey cid ku la mid ah maansaynta maahmaahda lafteeda. Xaaladda labada gabay ee aynu tusaalaha ka dhigaynay waxay igu dirqiyeysaa in aan tuducyada sidoodau taxo oo aan faallada faraha ka qaado. Waxa uu Dhoodaan, Alle ha u naxariist’ee yidhi:
Gojaxada ka weyn ee guntiga lagu gufaynaayo,
Iska gudub gantoobkeedu shay taana way gabi,
Ka gilgilo gantaal kugu dhacaa kaaga go’i waaye,
Gordan, goorri iyo gowracii lay’s la garan waayey,
Cilmig’aan ka gooddiyahay’aa taa ka guda weyne.
Waxaa la odhan jiray: “ Gojoxo geel wax gunti la geliyo ka weyn”; Waxaa kale oo la odhan jiray: “fallaadhi gilgilasho kaaga ma hadho”; waxaa iyada na sheeko maahmaaheed ahayd saddexdii erey ee isku ujeeddada ahaa ee la isku fahmi waayey. Sheekadii maska iyo ninkii ka abaaldhacay ayaa ayaduna gabaygan meel ay leedahay kaga jirta. Sida uu u maanseeyey baa la yaab leh.
Halkan ka akhri maqaalka oo dhan
W/Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)
Email:inacabdillaahi@yahoo.com
Leave a Reply