Sunday, May 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion

DHOODAAN (Baroor diiq)

Waxa Tiriyay: Faarax Cali “Gammuute”
E-Mail: [email protected]

DhoodaanMeel geri go’an ah ayaan waayadanba ku laallaa. Markaan ka soo laabtayna, Alle haw naxariistee,  geerida Dhoodaan bay igaga naxsadeen. Sida falaadheed bay iigu soo boodday. Waa se halkii Dalaayade, “Godob li’i ninkii kala tagaa; guusha  weyn sida e”. Lagu waarimaayoo waa run.  War baa se ka hadhay. Dhaxal aan gaboobaynna wuu innooga tegay. Naxariistiisa Eebbe ha waraabiyo, ehelkana samir iyo iimaan ha ka siiyo.  Aamiinta ducadiyo Alle bariga dabadiina, waxay tidhi baroordiiq:

Markaan gabay dhaadanoo
Dheg iyo dhalan sheegtayoo
Dhudday maansadu lahayd
Fad iyo dhool kala baxoo
Shulaha dhigay mood galbeed
Mullaaxdana dhiibsadoo
Murtida dhaad-dhaadayoo
Dhammaysa maqleen ka dayo
Xaggiyo labadayda dhinac
Ka waayeen dhiilalyada
Hareeraha sii dhugtaba
Dhambaal baa igu yidhaa
Ma dhiman DHOODAAN ma dhiman
Afkuu dhooldhoolin jiray
Dhasheennu intay hayaan
                  *
Ma dhiman DHOODAAN ma dhiman
Abwaan dhaatoo dhur lihi
Dhulkeenna intuu ku hadhay
                  *
Ma dhiman DHOODAAN ma dhiman
Axdiga dhoomaha ka culus
Intuu jiro hanad dhabayn
                  *
Ma dhiman DHOODAAN ma dhiman
Intay odayaal xil dhibo
Talada dhirindhirinayaan
                  *
Ma dhiman DHOODAAN ma dhiman
Indheer garad dhaaya furan
Intuu ka dhursugi wanaag
      
W.T. Faarax Cali (Gammuute)

Email: [email protected]

___________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2013 WardheerNews, All rights reserved

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.