Muqdisho (WDN)- Ilo xog-ogaalla ayaa sheegaya in xooggaga SSC ay dhanka waqooyi furin horleh kaga fureen ciidamada Somaliland ee fadhiya duleedka Laascaanood.
Cutubyo ka tirsan ciidanka SSC-khaatumo ayaa ku sii gurmaya dhuuxa dhoodida ee dhinaca waqooyi ka xigta Taliska Dhuxun ee Ciidamada Somaliland. Xoogagga SSC-Khaatumo oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sida la sheegayo durba saldhigyo ciidan ka samaystay dhoodida.
Dhanka kale ciidamada Somaliland ayaa la sheegaya innay dhaqdhaqaaq ciidan waddaan, sida lagusoo waramayo waxaa fadhiisimaha ciidamada Somaliland kusoo qulqulaya guutooyin gurmad ah oo lagu xoojinayo ciidanka Somaliland ee fadhiya taliska Gooja-cade.
Waxaa gebi ahaanba xirmay Isu socodka gaadiidka laamiga dheer ee degaannada Somaliland iyo SSC.
Maamulka SSC- Khaatumo ayaa dhawaan xayiraad ku soo rogay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka labada dhinac. Wararka ayaa xaqiijinaya in uu si rasmi ah u dhaqan-galay go’aankii SSC islamarkaana uu xirmay isu socodka laamiga dheer.
Sidoo kale gaadiid xamuul ah oo go’aankaas kadib isku dayay in ay laamiga maraan ayaa lagu xannibay kantaroollada Tukaraq iyo Gambadhe.
Dhammaan tallaabooyinkani waxay meesha ka saarayaan rajadii laga qabay in nabad lagusoo dabaalo, gobolka Sool, sidoo kale in Muuse Biixi qaadan doono amaradii ay dul dhigtay beesha Caalamku.
Siciid Maxamed Axmed
WardheerNew
Leave a Reply