Dhagayso Madaxweyne Xasan Shiikh oo ayaan darro ku tilmaamay dagaalada Kismaayo

Dhagayso Madaxweyne Xasan Shiikh oo ayaan darro ku tilmaamay dagaalada Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay dagaalada Kismaayo, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay dagaalada dhaxmaraya dadka walaalaha ah ee wada dagan Jubbooyinka.

Xasan Shiikh, ayaa ayaan darro ku tilmaamay dagaalada Jubboyoyinka, waxaana uu qeexay in maamulkiisa uu ku baqayo in la joojiyo dagaalada.

Dad badan ayaa ku dhintay dagaalada Kismaayo inkastoo xilligan ay magaalada gacanta ku hayaan ciidamada daacadda u ah Sh Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Madaxweynaha oo ka hadalay xiriraanka kalfadhiga Barlamaanka, ayaa jeediyay Khudbad xasaasi ah.

Wariyaha Radio Wardheer ee magaalada Muqdisho Maxamed Nuur Amiin, ayaa warbixin xasaasi ah ka diyaariyay baaqa madaxweynaha ee dagaalada jubbooyinka

HALKAN KA DHAGAYSO WARBIXINTA MADAXWEYNAHA EE JUBOOYINKA IYO MAXAMED NUUR AMIIN

Leave a Reply

Your email address will not be published.