Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DHABTII JACAYL WAA LOO DHINTAA (QAYBTII 2AAD)

W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Cabdi

Markaan maqaaxida qaxwaha ka soo kacay, ayaan sida ambalaas dhaawac degdeg ah sida, dhanka  dukaanka saaxiibkay ugu tallaabo dheereeyay. Dadka i ag maraya, dhawaaqa ganacsatada inay alaabtooda iibsadeyaal u helaan doonaya, guuxa baabuurta iyo dumarka salladaha waaweyn sita ee marba I jiidhaya midkoodna  ma dareemayo. Sida madaxweyne khudbad qaran jeedin raba ayaa waxaan saaxiibkay weydiin lahaa iyo halkaan sheekada uga billaabi lahaa sii diyaarsanayaa. Mawduuca aan kala tashan doono iyo weydiimaha doodayda ubucda u ah ayaan ku celcelinayaa si aanan u kala hilmaamin.

Salaan iyo soo dhawayn ka dib waxaan ku fadhiistay kursi uu saaxiibkay miiska (marfashka hore ee  dukaanka) hoostiisa  iiga soo saaray. “Dad maalaayacni ah  baa beryahan dukaanka iska bartay oo aan kursiga halkaas kaga qariyey”, ayuuna ii raaciyey. Dadka dukaanka usoo sheekada taga ee hablaha wax iibsanayaa ka didaan inaan ku jiro iyo in kale ayaan kula kaftamay. Saaxiibkay  kaftankaygaa aad ayuu uga  xanaaqay; cadho aan iska yeelyeel ahayne ka dhab ah oo wejigiisa caadi looga akhrisan karayo.  “ Waar yaanu xaal ku qabanin”, ayuu hadal iigu soo koobay. Intaanan kursiguu ii dhigay ku fadhiisan intaan dhabarka ka dhirbaaxay ayaan kaftanakaygii xumaa ka raaligeliyey, una sheegay inaan weligay dukaankiisa iyo meel kale oo uu jooga toona kelinimo, qalood iyo qariibnimo ku dareemin.

Sheeko guud iyo kaftan maalinlaha ahaa ka dib, waxaan u gudogalay mawduuca aan u socday. Sida qof qalliin gelaya ayaan isku diyaariyey. Ujeedada aan ugu imi markaan u sharraxay ka dib, waxaan jiifsaday miiska qalliinka uu saaxiibkay digtoorka ka yahay. Isaga oo aan weli talo uu i siiyo daaye aan hal weedh ahi afkiisa ka soo bixin, ayaan caafimaad dareemayey. Dawada dhibta, ugu yaraan kala badhow badhi inay tahay qof ku fahmaya, ku dhegaysanaya oo ku qiimanaya inaad xogtaada u bandhigto, ayaa mar kale ii caddaatay. Ninkaygii culayska iyo werwerka haysta awgii dhulka eegayay iminka warqad waan ka fududahay, waxaanan dareemayaa isku kalsoonaan iyo muxubbo badan. Haddii aan anigoo wax talo ah saaxiibkay ka qaadan albaabka ka baxo, faa’ido iyo guul badan ayaan joogaa laakiin maadaama aan illaa halkan imi inaan xanuunka iska cidhibtiro oo talada saaxiibkay dhegayto ayaa ila qummanaatay.

“Saaxiib horta aad baan uga xumahay inantaad is jeclaydeen inay  nin kale is calfadeen. Waxaanse kuu sheegi lahaa..”, ayuu saaxiibkay hadal ka billaabay. Oday reer miyi ah oo warka galabnimo ee BBC dhegaysanaya oo kale ayaan hadalkiisa u  dhuganayaa, kelmad kasta oo afkiisa ka soo baxdana ugu feejiganahay. Saaxiibkay waa nin aqoon diimeed, mid dhaqanka Soomaalida iyo mid reer galbeedba leh- waa nin aad u akhris badan. Dooddiisa, taladiisa iyo dhaleecayntiisuba waa mid qoddobaysan oo daliilkeeda wadata. Sidaa  daraadeed markasta oo uu arrin sharraxayo gabay, hees iyo hadalo qoraayo caan ahi yidhaahdeen ayaan ka faa’idaa. Inta yar ee aan  Fanka iyo suugaanta Ruushka ka aqaano, idilkeed isaga ayaan ka bartay; akhrinta buuggaagta qoraayada caanka ah Fiyoodor Doostoveeski, Toolistooy iyo Googol isaga ayaa I jeclaysiiyey.

Inaanan ninkii koowaad ee gabadh uu jeclaa isa seegaan ahayn ayuu saaxiibkay ku dheeraaday. Laba talo ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray. Talada  koowaad  waa mid anigaba niyadayda ku jirtay oo ahayd; inaan gobonimada qaato oo aanan inantaa aqal yagleelatay af iyo addin toona wax xumaan ah iga gaadhin. Saaxiibkay sababtuu sidaa ii leeyahay waxa uu ku sababeeyay inay maalmahan soo badanayaan rag bi’is oo  dhaqano raggii horee Soomaaliyeed ka sariigan jireen, iyagu caado ka dhigtay. “Mid caytama, mid sidii Turkida iyo Carabta inantay isa seegaan dila iyo qaar inay sawiro ama muuqaalo inanta ka  hayaan oo inay faafinayaan ku hanjabaaba maanta way innaga dhex buuxaan”, ayuu yidhi. Waxa uu saaxiibkay ku dheeraaday sida dhaqankan xuni inan gumeednimada u yahay. Waxa uu tusaale usoo qaatay suugaanta dhawr nin oo gabdho laga guursaday curiyeen.

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde ayuu ugu horreysiiyey oo  waxa uu ka soo qaatay heesta “Gelbis” oo Maxamed Mooge ku luuqeeyo. “Haddii lagula aqal galay.. geel iyo gammaan faras .. ayaan kugu gelbinayaa.. duco aan gaboobayn, ayaan kugu gelbinayaa…” oo dhextaalka heesta ku jiray ayuu saaxiibkay ku luuqeeyay.  Markiibana  waxa uu soo qabtay hees kale oo iyaduna isla mawduucan ku saabsan. Waa heesta Cawaale Aadan qaado ee “Nabadiino”. Saaxiibkay waxa uu iiga sheekayay qisada abwaanka heesta sameeyay Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) . “ Anigoo nacayb iyo ..naxli aanu igu jirin..naso waan ku daayee..nabsigaygu kuma helo.. nin xun eebbe kuma bado.. nabaadiino inan yahay.. kolley nooli kulantee” Markan  qofka heesta ku luuqaynayaa waa aniga oo dhammaan heesaha abwaan Weedhsame curiyey  korka ka xafidsan.

Waxaan labadayaduba ku dheeraanay gobanimada, garashada iyo garaadka abwaaniinta heesahan iyo kuwa la midka ah sameeyay. “Suugaantu waa muraayad aynu ka dheehan karno shakhsiyadda, fikirka iyo dhaqanka qofka. Markaa ereyadan hala yaabin waxay ka soo burqadeen qalbi, qalbigaasina waxa uu ka cabbayaa ilbaxnimo iyo gobanimo soo jireen ah oo abwaanka iyo badanka ragga Soomaaliyeedba lafta kaga jirta”.  Ugu danbayn saaxiibkay waxa uu hogetusaalayntiisa  kusoo afmeeray heesta caanka ah ee  “Daallo” . Cabdulqaadir Xirsi Siyaad oo Yam-yam loo garan og yahay ayaa curiyey. Cabdalle Yuusuf Hanuuniye ayaana luuq ashqaraar ah ku qaaday. Abwaanku markan ninkii gabadha ka qaaday ayuu toos ula hadlayaa “…..ninku damacu raacee, dookhu calanka saartee, guur aad ka doonta, aan dardaaran siiyee, waa libin dadnimaduye, Aamina ka doortoow, daji meel barwaaqa ah, dibin daabyo yay arag…”Eesh calaa gobanimo.. waxaasaa qalbi wanaag lagaa yidhaahdaa!

Saaxiibkay, gobanimada ragga Soomaaliyeed ayaanu ku dheeraanay ilaa aanu mawduucayaga ilownay. “Saaxiib marnaba yaanu shaki kaa gelin inaan waddada soo jireenka ah ee ragga Soomaaliyeed ku caanka ahaayeen ka leexdo”, ayaan saaxiibkay u ballanqaaday. Talada labaad oo ahayd midda iga maqnayd ee saaxiibkay igu kordhiyey waxay noqotay inaan aag bedesho-deegaanka ka tago markay ugu yar tahay intaan ka soo hilmaamayo. “Waan hubaa oo wax kasta oo magaalada ahi iyada ayay ku xasuusin doonaan. Meelahaad wada fadhiisan jirteen, dadkii aad iyada awgeed isku barateen ama iyada laftigeeda oo kaa soo horbaxda, ayaa xanuunka kugu kicin karta. Saaxiib nabarkaagu waa mid afku furan yahay, nabarka inta uu ka bogsanayo waxaad ku qasban tahay inaad dhaydo, oo intuu ka qolofaysanayo saxarka iyo jeermiska ka ilaaliso. Saxarka iyo jeermiska ugu daran ee nabarka weynayn kara amaba inuu bogsado u diidi karaana waa xasuustaada oo ku laabata maalmahaad wada qoslayseen, gacmaha is haysateen ee isku faraxsanaydeen”

Aad baan ula dhacay sida uu saaxiibkay ii fahmayo, sida uu u garanayo waxa I dhibaya, sida tudhaalaha leh ee wax kastoo i murugaysiin kara iiga leexinayo.Taladiisan danbe waxay noqotay mid aan aad ula dhacay. Meeshaan aadi lahaa iyo xilligaan dalka ka tegi lahaaba inaan ka soo fikiriyo intaan u sheegay ayaan saaxiibkay isa soo macasalaamaynay.  Waxaan dukaankiisa ka soo baxay anigoo la imoodo ilmayar oo khamiista xiisaddiisii u danbaysay ka soo baxay. Haddii aanan ka baqayn in dadku ila yaabo anigoo bood boodaya ayaan socon lahaa.

La soco qaybta 3aad

W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Cabdi

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.