Dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka 11-naad iyo Doorashada Madaxweynaha Cusub

Muqdisho(WDN) Waxa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday dhaarta xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka 11 ee Soomaaliya.  Dhaarta Xildhibaanada cusub ayaa soo af jarayso geedi socod dheer oo qaatay in kabadan sanad, kadib heshiikii bishii sebtember 17, 2020, oo jidayeeyay in dalka laga qabto doorasho dadbadan. Taasi oo lagu waday in ay bilaabanto bishii Nofember, 2020.

Dhaarinta xubnaha Baarlamaanka 11 JFS

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee labada gole,  oo wadar ahaan ka kooban  329 Xildhibaan, oo kala ah 275 Aqalka Hoose  iyo 54 Aqalka sare, ayaa aqlabiyad 2/3  ama 220 ku doorta madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba kadib  khillaaf  siyaasaddeed iyo musuq hadheeyay qaabka xulista iyo habraacyada  doorashada dadban, ayaa keentay in dib u dhac weyni la soo darso jedwelka doorashada, oo in badan kolba  dib loo dhigayay. Taasi oo niyad jab weyn ku riday shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya. 

Geedisocodka doorashada ayaa la soo gabagabeeyay bishan Abril, kadib  markii ay bilaabantay bixinta Shahaadooyinka Xildhibaanada, iyada oo ilaa hadda  shahaadada la siiyay tiro ahaan:
 1) Golaha Aqalka Sare  50 Senator .
2) Golaha Shacabka (Aqalka Hoose)  243 xildhibaan.

Dhaarinta xubnaha Baarlamaanka 11 JFS

Tirada guud ee xildhibaanada iyo Senetorada  ilaa hadda qaatay shaahaadada (certificate), ayaa ah 293.

Wararka WardheerNews ka soo gaadhaya goobta dhaarta , ayaa sheegay in maanta  munaaasabada dhaarinta xildhibaanada labada gole oo  ka dhacday Afisoyooni, ay ka soo  xaadireen:

  1. Aqalka Sare – 50 xildhibaan (Senator)
  2. Golaha Shacabka- 240 xildhibaan.

Tirada guud ee xildhibaanada labada Aqal, ee ilaa hadda la dhaariayay ayaa ah 290 xildhibaan iyo Senator.

Waxaa isla maanta labada Aqal ay doorteen Guddoomiyayaal Ku Meel Gaadh ah, iyada oo lagu talo jiro in maalinta Sabtida ee bishan Abril 16, ay si gaara gaar ah u fadhiistaan labada gole, iyaga oo qorshaynaya doorashada Gudoonka labada Gole, taasi oo dhici doonta  inta ka harsan bishan Abril.

Waxa kale oo iyana dhici doonta dhamaystirka xildhibaanada Aqalka Hoose ee Gobolada Gedo iyo Shabeellada Dhexe , oo lagu wado in la qabto bishan Abril.

Waxaa  ka gadaal lagu wadaa in bisha May 1 -14, la soo dooran doona Madaxweynaha Cusub ee hoggaamin doona dalka muddada afrata sano ee ina xigta, haddii Eebe idmo.

WardheerNews, oo xidhiidho la samaysay dad xogxogaal u ah arimaha dhamaystirka doorashada Madaxweynaha, ayaa sheegay in marna aysan dhici doonin in doorashada Madaxweynuhu ay ka dib marto 17 May, 2022, iyada oo lagu sababaynayo culeys ka socda beesha caalamka, oo gabi ahaanba jari doonta taageeerada, haddii aan la soo dhamaystiran arimaha doorashada inta ka horeysa 17 May.

Doorashada dadban oo ku sifowday khilaaf siyaasaddeed, musuq, ku tumashada sharciga iyo Awood xad-dhaaf ah, ayaa noqonaysa doorasho tii ugu dheereyeed ee ka dhacda adduunka.

WardheerNews