Muqdisho (WDN)- Warsaxafadeed ka soo baxay xifiiska Ra’iisal Wasaaraha DFS, Md. Xasan Kheyre ka gadaal shirkii Golaha Wasiirada ee bishan Juulay 27-dii, ayaa lagu sheegay in la magacaabay safiiro cusub, oo kala ah:
1) Agaasime xigeenka Madaxtooyada Md.Cabdirisaaq Axmed (Shoolle),
2) Wasiirka hore ee Arimaha Guddaha Md. Cabdullaahi Maxamed Odawaa iyo
3) Duqii hore Magalaada Muqdisho Md. Maxamed Axmednuur Tarsan.
Wasiirka Arimaha Dibadda oo soo jeediyay magacyada Safiirada cusub, ayaa ka gaabsaday in uu Golaha u sheego goobaha loo igmaday in la geyn doono. Waxaase xusid muddan in Golahu ogolaaday oo ansixiyay codsiga la soo hordhigay, iyaga oo aan wax doodda ka keenin goobaha la geyn doono iyo sifaha ama waxa ay ku muteysteen magacaabista in ay matalaan Soomaaliya ee lagu soo doortay shakhisyaadkaaasi.
Warar kale ayaa sheegay in Wasiirka Arimaha Dibaddu Md. Axmed Cawad, oo dhawaanahan la isla dhex marayay in xilka laga qaadi doono, uu Golaha Wasiiradda hor keenay liis looga soo yeedhiyay Madaxtooyada, oo aanu wax talo ah ku laheyn, isla markaanu aan la isku howlin in Goluhu wax ka weydiiyo xulista Safiiradda Cusub, maadaama ogaanshihiisu aanu dhaafsiisneyn codsiga uu horkeenay Golaha Wasiiradda.
WardheerNews oo la xidhiidhtay dad ka agdhow Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, ayaa sheegay in magacaabistani looga gol leeyahay in lagu kasbado ama lagu raali geliyo shaqsiyaad laga rabo danno gaar ah iyo arimo siyaasadeed, ee aanay haba yaraatee saameyn ama wax lug ah ku lahayn dardar gelinta xidhiidhka Soomaaliya ay la leedeahay Dowladdaha Caalamka.
Warsaxafeededkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay WardheerNews ayaa u qornaa sida xoos ku xusan:
____________
Goloaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Qorshe Lagu Sugayo Ammaanka Caasimadda
Muqdisho, — Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-gudoomiyay shirka golaha Wasiirrada oo looga hadlay adkaynta amniga, ahmiyadda Shirkii caalamiga ahaa ee waxbarshashada sare iyo natiijadii kasoo baxday Shirkii Madasha iskaashiga Soomaaliyeed ee Brussels.
Ugu horreyn wasiirka amniga gudaha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa golaha u soo ban-dhigay qaraar qeexaya in ciidamada ku howlan sugidda amniga caasimadda ay hoostagaan Booliiska, arrinkaan oo goluhu isla qaateen si loogu guuleesto hadafka guud ee ah in bulshadu ay hesho nabad-gelyad buuxda.
Goloha wasiirrada ayaa faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo Guutada ciidanka Booliska 14-ka Oktoobar si ay uga qayb qaataan sugidda amniga, iyada oo sidoo kale golohu uu wasaaradda maaliyadda ku war-geliyay in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October.
Wasiirka arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa golaha wasiirada usoo jeediyay in Cabdullaahi Maxamed Odawaa, Maxamed Axmednuur Tarsan iyo Cabdirisaaq Axmed Sh. Maxamed Shoolle ay u ogolaadaan in ay qaban karaan xil safiirro, arintaas golohu uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay.
Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimmadda uu dalka u leeyahy shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ee lagu qabtay Muqdisho, kaas oo intii uu socday la iskula gartay in waddamada colaadaha ka soo kabanaya loo sameeyo urur jaamacadeed ay hormuud u tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahacdeliyay bahda waxbarashada Soomaaliyeed dadaalkii ay u galeen in ay dhisaan aqoonta bulshada xilligii burburka isaga oo qiray in ay usoo dul-qaateen xilli ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta qorshayaal horumarineed oo bulshada lagu bad-baadinayo.
–DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya