DFS, Jubbaland iyo Puntland oo wada hadalo uga furmayaan Muqdisho

Muqdisho ( WDN)- Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay maanta soo gaadhaan wafti ay kala hoggaaaminayaan labada Madaxweyne ee Dowlad Gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland. Iyada oo lagu wada in kulan iyo wada hadal Muqdisho uga  bilaabmo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jubbaland iyo Puntland. Kaasi oo lagu furdaaminayo sidii ay labada geesood xal ugu heli lahaayeen khilaafka u dhexeeya ee dhinacyada hanaanka Doorasho iyo Isfaham la’aanta siyaasadeed ee DFS, Jubbaland iyo Puntland.

Jubbaland iyo Puntland ayaa aan horey qeyb uga aheyn shirkii Dhuusamereeb 3, ee ku dhex maray DFS iyo Dowlad Gobolleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halkaasi oo laga soo saray heshiiskii Dhuusamreeb 3, oo ku aadanaa hanaanka doorasho ee 20/21.

Wali ma cadda in  shirkaasi  Muqdisho ay qeyb ka noqon doonaan Dowlad Gobolleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

WardheerNews oo wax ka weydiisay siyaasiyiin iyo dad kaleeto oo u kuurgala arimaha Soomaaliya, ayaa sheegay in shirka Muqdisho, ay fudud tahay sida uu ku fashilmaa, marka la eego qaab dhaqanka DFS oo aan daacad ka aheyn arimaha doorashooyinka, islamarkaana ay muhiim tahay in ay shirkaasi ka soo wada qeyb galaan dhamaan Dowlad Gobolleedyadu.

Wararka soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sidoo kale sheegaya in Jubbaland iyo Puntland ay la tegi doonaan miiska wad hadalka hanaan doorasho oo ay ku midyasan yihiin, kaasi oo ay ku sheegeen in uu gundhig u noqon doono hanaan doorasho dadban oo ka dhacda Soomaaliya 20/21.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.