DFS iyo Jubbaland oo khilaaf ka dhex dhashay shirka Brussels

M/weyne Axmed Maxamed (Madoobe) iyo Wasiirka Madaxxtooyada Jubbaland Axmed C/raxmaan Xaaji Xasan, Brussels

Muqdisho ( WDN)- Dowladda Federaalka Sooomaliya, ayaa isku dey xooggan u gashay sidii wafdiga Jubbaland looga saari lahaa qorshaha Ajendada shirka lagaga hadlayo arimaha Soomaaliya ee ka socda magaalada Brussels ee dalka Belgium, bishan Julay 16-17.

Wafidga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu hoggaaminayo M/weyne Axmed Islaam (Madoobe), ayaa markii uu ka soo deggay garoonka Brussels, ayna ka horiman  xubno ka socda Safaaradda Soomaaliya u joogta dalka Belgium, oo horseed ka ahayd soodhaweynta wafdiyada ka qeyb galaya shirkaasi.

Waxa wararku intaas ku darayaan in taasi ay u sii dheerayd in wafdiga Jubbaland  laga saaray Agendadii shirka, khaasatan dhinaca amniga. Taasi oo dhalisay in Jubbaland ay gebi ahaanba qaadacdo shirka.

Hase yesshee dadaallo ay wadeen Beesha Caalamka, ayaa ku qanciyay wafdiga Jubbaland in la saxayo wax kasta oo ku aadan habsami u socodka shirka, balse ay ka qeyb galaan shirka.

M/weyne Axmed Maxamed (Madoobe), Wasiir Aadan Aw Xirsi iyo mas’uul ka socda EU

Dowladda Farmaajo iyo Jubbaland ayaa waxa dhawaanahan ka dhex dhashay is faham darro xooggan, oo la xidhiidha dhinaca wada tashiga iyo wada shaqeynta.

Waxa xusid muddan in dhawaan ay Jubbaland dib uga celisay Garoonka Diyaaraddaha ee Kismaayo, Taliye ciidan oo ay Dowladda Dhexe u soo magacawday Qeybta 43 ee Jubbaland, wada tashila’aan.

Arinkan ayaan la fiayaa in uu sabab u yahay khilaafta sii xooggaysanaya iyo qaabka loola dhaqmay wafdiga Jubbaland ee ka qeyb galaya shirka Brussels.

WardheerNees

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.