
Tan iyo intii ka dambeysay markii si lamafilaan ah, loogu magacaabay Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) xilka madaxtinimada Dawlad deegaanka Soomaalida, waxa muuqanaya isbedello ifafaale u noqon kara dhabbaha siyaasaddeed uu Deegaanka Soomaalidu u jihaysan doono mustaqbalka.
Madaxweyne Mustafe oo u magacaabistiisa xilka madaxweynaha deegaanka, ay ahayd mid shaki iyo su’aalo badani ku gadaaman yihiin ayaa tallaabooyinkii uu qaadday magacaabistiisa ka dib durtadiiba ku kasbaday kalsoonida in badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.
ilaalinta xorriyadda iyo karaamada muwaadiniinta deegaanka, sarraynta sharciga iyo xorriyaadd fikirka oo aan hore uga jiri jirin deegaanka ayaa ka mid ah waxyaabaha uu Md. Mustafe ballan qaadday hirgelintooda.
Dib usoo celinta calankii hore ee ay ka muuqatay astaanta Soomaalinimada iyo beddelaada magaca deegaanka ayaa ah arrimo ay adkayd in ay masxadka qofka ku soo dhacaan bilo ka hor.
Shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka iyo hoggaamintii kala duwanayd ee soo martay, waxay ahaayeen kuwo ku sifoobay iskukalsooni darro ay mar walba xuquuqdooda dastuuriga ah u dabafadhiistaan hadba cidda talada haysa. Waxay ahaayeen kuwo mar walba cadquudheed aan u qalmin oo loo soo tuuro ku qanca, qofka xilka hayana ujeeddadiisa koowaad waxay ahayd sidii uu marwalba u raaligeelin lahaa, una kasban lahaa kalsoonida madaxda dawladda dhexe ee kursiga ku fadhiisisay si uu maalmo ugu sii negaado xilka magacuyaalka ah.
Haddaba Mustafe iyo maamulkiisa waxaa looga fadhiyaa in ay noqdaan kuwo ka leexda dariiqaas isdullaynta iyo xaqiraadda u horseeaday deegaanka Soomaalida iyo shacabkiisa.
In Itoobiyaanimo la isku kabo waxaa ka sharaf badan in Soomaaliga aad tahay ee Eebbe kaa dhigay aad ku faanto, sida ka Oromada ama Tigreega ahiba ugu kalsoonyahay qawmiyanimadiisa.
Si kastaba, isbeddelka la filayo in uu ka hirgalo deegaanka Soomaalida iyo dhabbaha cusub ee siyaasaddeed ee uu jeexay Mustafe waa mid uu soo dhawaynayo qof kasta oo Soomaaliyeed oo damiirkiisu noolyahay.
Inkastoo muddada uu haysto maamulka Mustafe ay tahay mid kooban haddana tallaabooyinka uu qaaday isagoon weli soo gaadhin xarrunta deegaanka, si rasmiyana uga hawlgelin xafiiskiisa waa kuwo lagu wada diirsaday.
Waxaan rajaynaynaa in madaxweynaha qawlkiisa iyo ficilkiisu ay nodaan kuwo is leh, uuna ka dhabayn doono rajada iyo filashada sarreysa ee shacabku u muujiyeen maamulkiisa ilaa hadda.
WardheerNews
