W.Q. Axmad S. Aw-Muse
Waxaa looma qaateen ah labo Soomaali ah ee kulmay ineeyan, ugu horrayn, wax iska weydiin Nabad. “nabad ma sheegtay?, Sow nabad maaha? ma nabdoon tihiin.?” Waa su’aaloo waagi beryaba dhegaheenna ku dhaca. Dayaca ugu badan ee ina daashadeyna waa dhiillo iyo xasilloni darro laga lug bixi la’yahay. Waa maxay sababtu? Xagge salaaddu iska qabsan la’dahay? Dadka ku xeel dheer aqoonta soo yaalka iyo u kuur galka caadooyinka sida gaarka ah ugu xidideysta bulshooyinka, halka ay foodda u saaraan waa sugeynaa, anigase waxay ila tahay labo arrimood ee aynu is weydaarinno qaab qaldanna aynu isugu tolno:
a) Argtideena anaaniga ah ee aynu, sida qaalibka ah, mar walba u taagannahay meel marinteeda, innagoo gadaal u riixna masaalixa wadarta.
b) Rabitaankenna in noloshu sidaa ku ahaato mid xasilloon.
Haddaba qoddobka hore ayaa wuxuu xambaarsan yahay arrin aad halis u ah, kaas oo ah xorriyad aan xuduud lahayn ee Rabbiba aanu ina siin, haseyeeshee qof waliba ku fara adagyahay; waana aragtida saldhigga u ah baan qabaa in dalku xasiliwaayo. Waxaa tusaale ku filan, in badan ayeynu ka maqalnaa warbaahiyaha colaad “laba belood ee walaalaha ah” ku dhex martay dhul daaqsimeed, iyo waayeel ku hawllan sidii dhibaatada loo joojin lahaa. Sababtu ma aha in dhulku ciriir yahay ee waa qaddarin la’aanta baahida qof waliba u qabo xaqna u leeyahay inuu dheefsado daaqa iyo dhulka aan cidina goonni uga sheegan karin. In garaadkeennu ka guuri la’yahay dhacdooyin qarniyo soo jiitamayey ee salka ku haya geel iyo gammaan la kala qaado ee maalinba reer dagan la moora duugo, biyaha iyo dhulka daaqsinka wacan oo la is ood riixo iyo aano sebenba qolo ka maqan. Ma aha dhaqan, mana aha caado ee waa waalli iyo burcadnimo, la dhayalsaday xasaraddeeda joogtada ah soddonkii sano ee dawladda dhexe jjirtey dalkuna ahaa midaan kala qoqobnayn. In dhacdada goor walba lagu raad joogo xal ma aha. Waxay u egtahay xujadii ‘ukunta iyo shimbirta ku jirta keeba curadsan’, ama qabyaaladda iyo dawladda keebaa hoggaamiye ah!.
Baadigoobkii xornimada iyo aasaaskii urur siyaasaddeed kii u horreeyey ee Soomaaliya ka hanaqaada, SYL, kana caagganaa qabyaalad, ayaa wuxuu furay waddo ugub ee u ekayd mid lagu hanan karo shacab urursan iyo, malaha, dareen Qarannimo. Ma ahayn arrin degdeg loogu guuleysankaro ama caaddifad iyo bisayl la’aan lagu hantiyi karo, waxaana soo food saaray labo dhacdo oo lama illaawan ah. Tan hore waxay ahayd hagardaamada dawladdihii ku cudud roonaaday dagaalkii labaad iyo xulufadoodii (beesha caalamka!) ee ku taliyey in Talyaanigu wakiil uga noqdo Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya, iyadoo ka mid ahayd garabkii dagaalka ku guul darraystay kana takoorrayd golaha Q.M. xubinna aan ka ahayn ilaa la soo gaarey 1955!!. Waxaa in la xuso mudan Stalin, isagoo ka hadlaya arrinka Soomaaliya iyo cidda loo dhiibayo, inuu yiri hadal haddii la tarjumo u eg “ushaada nin aad ka qaadan kartid ayaa loo diibtaa” (fiiri Milova Djilas, la nuova classe). Ujeeddada inaan arrinkaa xuso ma aha inaan qabo in gumeysi kala doorasho leeyahay ama kala fiican yahay, waxayse door weyn ku yeelatay xaaladda Soomaaliya ee gacanta loo geliyey, Nof. 1949, Talyaaniga oo la daala dhacayey burburkii colaadda ka soo gaarey iyo dhaqaale xumo baahsan. Arrinka labaad ee reebay dhaawaca wuxuu ahaa doorashadii dawladaha hoose, 1954, iyo kii Golaha wakillada is maamulka, 1956, ee shisheeyihii dusha la inaka saaray ku adkaystay ineeyan qabsoomi karin maadaama aaney suurtagal ahayn in tirokoobka dadka la sugo, sidaa awgeedna ay lama huraan tahay in lagu saleeyo qabiil; waxaa degsiimo walba laga magacaabay ashkhaas kooban ee cod sidayaal ah ama “xaamilu sowt” ee mid waliba leeyahay go’aanka meesha uu marinayo codka tirada qoyska uu ka tirsan yahay, tiradaasi oo ahayd mid male lagu jaangooyey (doorashada 2016 wax badan kama duwana tii 1956). Dhacdadaasi waxay jebisey udub dhexaadkii leegadu ku taagnayd, aqlabiyaddi ay heshayna waxay kalliftay iney shaqo wadaag noqdaan wakiilladii dul saarka ahaa!; wa loo qaateen in taariikhdu si kale u qormi lahayd hadday SYL diido ka qayb galka doorashadaa; calwasaadkii xisbiga dhexdiisa ka dhashay waa kan sababta u noqday 1958, Xaaji Muxammad Xuseen ee ka mid ahaa aasaasayaashii inuu ka xiriir furto SYL, bud dhigene u noqdo abaabulka Ururka Soomaali Weyn (Great Somali League) kaas oo aad u gilgiley maamulkii ku meel gaarka ahaa, sababna u noqday in wasiirkii arrimaha gudaha shaqadii iska casilo.
Doorashooyinkaa iyo burburka ka dhex aloosmay golihii dhexe ayaa waxay aad u wiiqeen, aragtidayda, riyadii iyo sumcaddii SYL gaarsiiyeyna meel eeyan ka soo kaban karin. Madhaxii wuxuu noqday inqilabkii 1969, ee aan hadda ka mid ahayn mawduucakan. Fara ku haynta iyo daryeelka wixii la mahadiyo waa mid aadanuhu ka simanyahay. Ineynu si looma qaateen ah ee argagax leh hal mar ku baraarugno burbur iyo colaad iyo isu damqansho la’aanta soomaalinimo, xigtonimo, muslimnimo, xididnimo waxaa sababay dabcan inaan la mahadin sagaal sano ee lagu suntay Eex iyo Musuqmaasuq iyo labaatan sano oo Mansabku noqday mid ka sarreeya xeerka garsoorka iyo haybadda degganayaasha (muwaaddinka). Irdhowaga iyo baqdinta ina ku gaaxatey darteed ayeynu, ayaan darro, waxaynu luminay kalsooni dawladeed. Waxaa tusaale ku filan, laga soo balaabo ismaamulkii 1956 tan iyo burburkii waallida inama soo marin dawlad aan lagu suntin ama lagu Sitkin hayb qabiil. Waxba yaaann ku fogaane, in eedayntaa joogtada ah laga qaan gaaro waxaa masuuliyadda iyo xilkeeda leh dadka lagu tuhmayo aqoon siyaasadeed ee dhammays ah damacna kaga jiro samatabixinta Soomaaliyada baylahda ah.
Dulucda: Ninna kama qarsoona, malahayga, soddonkii sano ee dawladda dhexe jirtey in lagu guuldarraystay lana dhayalsaday baahida weyn ee aynu u qabno ineynu ka ood roganno qabyaaladda, maamulkuna ahaado mid ku dayasho lagu kalsoonaado horseedi kara. Qarannimadu ma aha hayb keliya ee la sheegto ee waa dareen xiriiriya dal, dad iyo dawlad daryeelkoodana degganayaashu wadaagaan. Ineynu sabool ka nahay dareenkaa waxaa laga dhex arkaa sida argagaxa leh ee loo burburiyey hantidii ummadda ka dhexaysey iyo kaydkii dalka. Soomaalinimadana laguma sidki karo wax eeyan ku godlaneyn ee geyin iyo kala qoqob aan joogsanayn. Lama inkirikaro in colaad foolxumo badani dalka ka dhacday dadkuna kala irdhoobey laakin in xaalad joogto ah laga dhigo (status quo) xal iyo maangal ma aha; arrinkaasi waa kan ina geyeysiiyey inaan danteenna marti ugu noqonno shisheeye tiisa u meel deyaya. Hadday daacadnimo jirto, waa lama huraan in nabadayn iyo dib u heeshiisiin dhab ah la qabto, si dayowga iyo heedadawga looga baxo. Waxaan qabaa in waayeel dhaqameedka iyo culumadu ku filan yihiin shirka wada xaajoodka nabadaynta ummadda, hadday u kala dab qaadaan degsiimooyinka iyo gobollada dhinaca isku wada haya.
Adeegsiga oraahda awood qaybsi ee daydaga siyaasi isku sheegga ahi ku cel celiyaan ayaa tilmaan iyo horseed u ah in jiritaankeenu ku socdo meel halis ah. Awoodda dawladnimo waa sharci iyo xeer wayna ka fogtahay wax la qaybsado: waa dan la wadaago maaraynteedana lagu ogaado koox ammaanada culayskeeda xog ogaal u ah. Ugu dambayntii, dadka iyo dalku uma afduubnaan karaan dhacdo, haba foolxumaatee, laga soo gudbey cid mahadisayna eeyan jirin.
W.Q. Axmad S. Aw-Muse
Email: garmaal09@gmail.com
