
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in dawladdiisu ay qorsheynayso guluf ka dhan ah dhaqdhaqaaqa Alshabaab si dalka nabad loogu soo dabaalo.
Madaxweynaha ayaa ka hadalkaan ka sheegay magaalada Dhuusa Mareeb oo uu socdaal ku joogo, waxa uuna tilmaamay in xaaladda amni ee dalka iminka ay tahay mid loo baahanyahay in wax badan laga qabto.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale uu tilmaamay in dawladdda federaalka oo kaashanaysa maamul goboleedyada dalka ka jira iyo ciidamada hawlgalka ATMIS ay dhawaan billaabi doonaan hawlgallo lagu xoreynayo magaalooyinka ka maqan gacanta dawladda .
Ururka Alshabaab ayaa iminka gacanta ku haya magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland.
Maxamed Cumar Adan
WardheerNews, Muqdisho