Dawladda Soomaaliya oo Gebi ahaanba Hakisay Duulimaadyadii Tegeyay Kismaayo

Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho, Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa amar ay maanta soosaartay gebi ahaanba ku hakisay diyaaradihii tegi jiray magaalada Kismaayo, caasimadda KMG ee Jubbaland.

Go’aankan oo ay hay’addu sheegtay in uu dhaqangelayo maanta oo ah 23ka Sebtember ayaa socon doona ilaa 26ka isla bishan.

Hay’adda Duulista Hawadu wax faahfaahin ah kmaanay bixin sababta keentay xayiraadda, haseyeeshee sida muuqata waa mid lagaga hortagayo dadka doonaya in ay ka qaybgalaan xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dib loo doortay dhawaan haseyeeshee uu maamulka Villa Soomaaliya ku tilmaamay waxbakamajiraan dibudoorashadiisa.

Waxay ahayd uun maalintii shalay markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Shariif Sh. Axmed laga horistaagay socdaal uu ku aadi lahaa magaalada Kismaayo.

Dawladda Soomaaliya ayaa dad badani ku dhaleeceeyeen in ay Garoonka diyaaradha ee Aadan Cadde oo ka mid ah meelaha tirada yar ee ay dawladda awaamiirteedu ka fusho ay siyaasadaynayso, taasoo ay dhibaato kala kulmeen shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada garoonkaas.

Dawladda Soomaaliya ayaa iyadu hore u joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee tegi jiray Kismaayo iyadoo qasab lagaga dhigay in ay ku hakadaan Muqdisho inta aanay u gudbin Kismaayo.

Siyaasiyiin, aqoonyahan iyo waxgarad kale oo Soomaaliyeed ayaa aad uga walaacsan qaabka ay wax u wadaan hoggaanka sare ee dawladda Soomaaliya iyagoo ku eedeeya in ay sii kala fogaynayana shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay dibudhac weyn u keenayaan dadaalkii loogu jiray dibugasookabashada burburkii ka dhacay Soomaaliya.

WardheerNews, Muqdisho.