Dawladda Soomaaliya oo caddeysey mawqifkeeda ku aadan khilaafka biya xireenka Masar iyo Itoobiya

Muqdisho (WDN)- Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar ayaa shaaca ka qaadey in mawqifka dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan khilaafka u dhaxeeya dawladaha Masar iyo Itoobiya ee biyo xireenka Itoobiya inuu yahay in si nabad ah labada dal uga wada faa’ideystaan isla markaana wada hadal lagu dhameeyo.

Afhayeenka oo wareysi arinkaan ku saabsan siiyey idaacadda BBC ayaa yiri “Shirka jaraa’id ee labada madaxweyne laguma sheegin wax ku saabsan arrinta biyo xireenka webiga Niil, laakiin webiga Nile waxa uu maraa dalal badan. Mowqifka dowladda Soomaaliya wuu cad yahay”

“Mowqifka dowladda Soomaaliya waa in si nabad ah looga wada faa’iidaysto biyaha webiga Nile, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyadii caalamiga ahaa”.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in labada madaxweyne kulankii ay yeesheen aan lagu soo hadal qaadin arrimaha biya xireenka dawladda Itoobiya ka samaysay webiga Niil, arinkaasi oo khilaaf xooggan ka dhex abuurey dawladaha Masar iyo Itoobiya.

Afhayeenka oo ka warbixinaya kulanka labada madaxweyne ay yeesheen ayaa yiri “Waxyaabaha ugu waawaynaa ee ay ka wada hadleen labada madaxweyne waxaa ka mid ah hagaajinta iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan [Masar iyo Soomaaliya], waxaa kale oo ay ka wadahadleen danaha istaraatiijiga ah, sida amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo waxbarashada”.

Hadalka madaxtooyada Soomaaliya kasoo yeeray ayaa yimid  xilli warbaahinta gudaha ah ee dalka masar ay qoreen in dowladda Soomaaliya ay Masar ku taageertay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka ka dhashay biyo xireenka wabiga Niil ay dawladda Itoobiya ka sameysay, arinkaasi oo ay dawladda Masar aaminsantahay inuu saamaynayo amnigeeda biyaha isla markaana uu ka hor imaanayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhex marey dawladaha Masar,Sudan iyo Itoobiya kaasi oo soo marey heerar kala duwan.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho