Muqdisho (WDN)- Heshiis ayay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, Wasaaraddaha Waxbarashada ee Soomaaliya iyo Masar. Heshiiskaas oo dhigaya in deeqaha waxbarashada dawladda Masar ay Soomaaliya u fidiso in la kordhiyo, islmarkaana qeyb ka qaadato horumarinta tayada macalimiinta Soomaaliya.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2023/01/Wasiirka-waxbarashada.jpg)
Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee DF Soomaaliya Md. Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyo Wasiirka Tacliinta ee Masar Dr. Ayman Caashuur, ayaa isfahamkaasi u kala saxiixay labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Masar .
Isfahamkaasi ay labada dhinac ku kala saxiixdeen magaalada Qaahira, ayaa waxaa labada dhinac heshiis ku gaareen in Soomaaliya sanad walba ka hesho dalka Masar deeq waxbarasho oo gaareysa 450 kursi oo 300 ka mid ah tahay heerka 1-aad ee Jaamacadda ( Bachelor ) halka 150 ay tahay heerka 2-aad ee jaamacadda (Master).
Isfahamka ayaa sidoo kale dhigaya in ardeyda Soomaalida ee iskood waxbarashada uga doonta loola macaamili doono sida muwaadiniinta dalkaasi marka ay noqoto qarashaadka wax looga dhigto heerarka kala duwan ee waxbarashada Jaamacadaha dalka Masar.
Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Dr. Ridaa Xijaasi, isfaham la xariira kordhinta tirada macalimiinta Masaarida ee wax ka dhigta iskuulada dalka. Waxaana la qosheynayaa in iskuulada dalka oo idil la geyn doono macaliniinta Masaarida, halka haatan macalimiintaasi ay wax ka dhigaan iskuulada gobolka Banaadir iyo Puntland.
Sidoo kale dalka Masar ayaa qeyb ka qaadan doonna horumarinta tayada macalimiinta Soomaaliyeed, ayadoo u fidineysa tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda. Waxaana sidoo kale qeyb ka qaadan doontaa horumarinta manaahijta Soomaaliyeed oo xukuumadda Soomaaliyeed ku hawlantahay horumarintiisa.
Heshiiskaan dhex marey Wasaaradaha Waxbarashada Soomaaliya iyo Masar ayaa qeyb ka ah heshiisyo dhawr ah oo labada dal ay isla gaareen kadib booqasho rasmi ah oo Qaahira ay ku tageen wafdi uu hogaaminayey Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre, oo ka koobnaa wasiiro dhawr ah oo xukuumadda Soomaaliya ka mid ah.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply