Muqdisho, Okt. 18, 2015 (WDN)- Waxaa ay maalintii shalay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen wasiirka Maaliyadda XFS Md. Maxamed Aden Farketi iyo safiirka dawladda Imaaraadka uga wakiilka ah Soomaaliya Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi heshiis ay dawladdu Imaaraadku ku bixinayso mushaharka ciiddanka XDS.
Sida lagu sheegay warsaxaafaddeed ay wasaaradda maaliyaddu soosaartay waxaa mushaharka bixintiisa loo xil saaray shirkad si gaar ah loo leeyahay oo lagu magacaabo Gorgor.
Warka laguma xusin caddadka lacagta ay bixinayaan dawladda imaaraadku iyo muddada uu heshiiskan socon doono midna.
Ciiddanka XDS ayaan iyagu aalaaba helin mushahar joogto ah maadaama ay dawladda Soomaaliya ku guul darraysatay dib u hawlgelinta hay’adihii maaliyadda iyo dakhliga, iyadoo beesha caalamkuna ka maagtay in ay kaalmooyinkii ay hore ugu yabooheen siiyaan Soomaaliya, musuqmaasuqa iyo maamul xumada ka jirta awgeed.
Dhawaan ayay ahayd markii uu wasiirka maaliyaddu hesshiis lagu bixnayo mushaharka shaqaalaha dawladda lkula saxiixday mas’uuliyiinta Bangiga Adduun xafiiskooda magaalada Nayroobi.
Si kastaba ha ahaatee busaaradda ku habsatay dawladda Federaalka Soomaaliya ayay adagtahay in wax laga qabto ilaa laga helo maamul daacad ah oo ka caaggan boobka hantida ummadda, beesha caalamkuna aamini karto.
WardheerNews
Leave a Reply