Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa eedeyn kulul dusha kaga tuurey saraakiil ka tirsan ciidamada Amaanka. Madaxweyne Xasan ayaa ku eedeeyey in ay fududeeyaan soo gelida magaalada Muqdisho gaadiida ay Al-shabaab kasoo buuxiyaan walxaha qarxa, ee lala beegsado meheradaha shacabka iyo xarumaha dawladda dhibaatadana ugu badanna ay kasoo gaarto dadka rayidka.

Md. Xasan Sheekh oo ka hadlayey amniga caasimadda iyo sida ay ku suurtogasho in gaadiidka qaraxyada sida ay magaalada Muqdisho kusoo galaan ayaa yiri ” Fulay xantiisa ma mooga qaraxyada magaalada Muqdisho ka dhaca baabuurta ciidamada ayaa lagu soo galiyaa, saraakiil ayaa baraha baarista ( Check points) kasoo fasaxa oo askarta amaro ku siiya” .
Madaxweyne Xasan ayaa xusay in haatan ay socdaan baaritaano lagu hayo saraakiil ciidan oo gawaari ay soo daayeen fuliyey qaraxayo, isagoo tilmaamey in baaritaanada hor udhac ah ay muujinayaan in koontooyinka bank-yada saraakiisha qaar lagu arkay lacago badan oo lagu sheegay in inuu ka yimid shaki ah in ay ka heleen fududeynta iyo gudbinta gaadiidka qaraxyada laga fuliyey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Weerarkii qaraxyada ahaa iyo iska hor imaadkii xigey qaraxyadaasi kadib ee lala beegsadey hoteelka Villa Rays ee ku yaalla goob amnigeedu aad u sareeyo oo ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya, ayaa dhaliyey shaki aad u badan oo laxariira sida qaraxyadaasi ay ku gudbeen iyo maleeshiyaadkii kooxda Alshabaab ka tirsanaa ee qaraxyada kadib Hoteelka muddo saacado ah ka dhex dagaalamayey.
Qaraxyadaasi kadib ayaa laamaha sirdoonka waxa ay qabteen dad looga shakisanyahay gudbinta qaraxyadaasi oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, waxaana dibedda usoo baxay ku lug lahaanshiyaha saraakiisha ciidamada qaar oo baraha kontoroolada kasoo fasaxa gaadiidka qaraxyada fuliya iyo dableyda qaraxyada kadib goobaha la qarxiyey ka dhex dagaalama. Waxaana inta badan weerarada Alshabaab ka fuliso gudaha Muqdisho ay dhibaatooyi ka soo gaaraan dadka rayidka ah ee ku sugan agagaarka goobahaasi la beegsanayo.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply