Thursday, May 02, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dastuurka Soomaaliya: Ma Dhammaystir Mise Dhimis?

W/Q Maxamed Macalin Siyaad

Hordhac

Dastuurka Soomaaliya wuxuu qabyo ahaa in ka badan 10 sano. Intuu qabyada ahaa waxaa la doortay seddex madaxwayne oo mid waliba marka la doorto uu ballan qaadayay inuu dhammaystirayo. Nasiib darrase, labadii madaxwayne ee horeba waxay waqtigooda dhammaysteen iyagoon wax la taaban karo ka qaban. Madaxwaynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wada shaqooyin xawli ku socda oo ay dawladdu ku sheegtay in dastuurka lagu dhammaystirayo. Hase yeeshee u-fiirsi iyo daraasad kooban oon ku sameeyay arrintaas waxaa iiga soo baxday in badan oo ka mida shaqada socota iyo sida ay u socotaba aanay ahayn mid dastuurku ku dhammaystirmayo, balse ay tahay mid intii dhamaystirnayd kala dhimaysa.

Golaha Wada-tashiga Qaranka

Golaha Wada-tashiga Qaranka, Muqdisho

Golaha Wada-tashiga Qaranka oo kulmiya madaxwaynaha Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxwaynayaasha Dawladdaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa beryahan udub-dhexaad u ahaa hawshaa dib-u-eegista dastuurka. Su’aasha xiisaha leh ayaa ah sharciyadda golahan. Qodobka 51(3) ee Dastuurku wuxuu leeyahay:

Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Xukuumadda Federaalka si ay isula meeldhigaan:

  1. Adkaynta Midnimada Qaranka;
  2. Sugidda ammaanka iyo Nabadgelyada Dalka;
  3. Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka;
  4. Horuumarinta baraaraha shacabka;
  5. Isdhaafsiga macluumaadka.

Tan waxaan uga jeednaa in kulanka madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Dawladaha xubnaha ka ah, aanu ahayn kan iminka jiraa ee Golaha Wadatashiga Qaranka. Si kale haddaan u dhigo qodobkanu ma asaasin Golaha Wada-tashiga Qaranka. Qodobka isaga ku xiga waxa uu ka hadlayaa in Madaxwaynaha Federaalku xaqiijiyo qabsoomidda kulan joogto ah oo dhex-mara madax-waynaasha dawladaha xubnaha ka ah, si ay uga tashadaan waxyaalaha saamaynaya degaanadooda.  Qodabkanuna ma asaaasayo Golaha Wada-tashiga Qaranaka. Inta aan ka warqabno ma jiro sharci kale oo asaasay Golaha Wada-tashiga Qaranka. Sidaasi awgeed, waloow aanu jirin wax diidayaa inay kulmaan kana tashadaan masuulyidaha saaran, go’aammadooda gole ahaaneed ma lahan miisaan sharciyeed lagumana qasbana in la raaco.

Marka ay noqoto dib-u-eegista dastuurka, golahanni wax kaalin ah kuma lahan. Qodobada dastuurka ee 132-137 ayaa si fiican u faah-faahiya cidda soo jeedin karta wax ka baddalka dastuurka, cidda daadahaynaysa hawsha wax ka beddalka iyo hanaanka la raacayo. Golaha Wada-tashiga Qaranku intaas meelna kama soo galo.

Haddaba golaha sidaas ah inuu udub-dhexaad u noqdo dib-u-eegista dastuurka saw ma ahan hannaankii dastuurku jeexay oo mid kale laga garab-jeexday? Sidaas wax ma ku dhammaystirmayaan?  

Dulucda la Abbaaray

Golaha Wada-tashiga Qaranka oo isaga laftiisu aan lahayn asaas sharciyeed oo waliba ay ka maqantahay Puntland, ayaa aad ugu mashquulay in heshiisyo siyaasaddeed laga gaaro arrimo ay ka mid yihiin nidmaaka garsoorka dalka, nidaamka doorasho ee dalka iyo nooca dawladdu noqonayso (form of government). Laakiinse arrimahan intooda badan dastuurka ayaaba xaliyay oo waxay ka mid yihiin waxyaalaha uu sida fiican usoo dhigay.

Dhanka kale, markii la tijaabiyay midkoodna laguma dooddin inuu shaqyn waayay. Marka ay sidaas tahay waxaa loo baahnaa in laga wada hadlo sidii loo hir-galin lahaa loona soo saari laha siyaasaddo iyo shuruuc hirgalinteeda daarran. Daas lidkeeda, go’aammada Goluhu soo saaray waa kuwo duminaya arrimahaas dastuurku dhidbay. Bal aan arrimahaas mid-mid usoo qaadanno.

Nidaamka Garsoorka Dalka

Qodobka 108 ee Dastuurku wuxuu si cad u sheegay in Maxkamadaha dalku noqonayaan laba heer iyo maxkamadda dastuuriga oo labada heer ka dhaxaysa. Heerka Federaalka iyo kan Dawaladaha Xubnaha ka ah Federaalka mid waliba wuxuu yeelanaya maxkamad sare iyo maxkamado hoos yimaadda. Intaas waxaa dheer Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka mid waliba iyadoo raacaysaa dastuurka ayay samaysatay maxkamadaheeda ooy u sarayso maxkamadda sare. Waxaa intaas dheer in maamulada Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo Puntland mid waliba uu sameeyay guddi adeeg garsoor oo isagu maamula garsoorka.

Dhankeeda Dawaladda Federaalku waxay ku guulaysan la’dahay illaa iyo hadda inay gudato waajibkeeda dastuuriga ah ee uu dhigayo qodobka 109 ee Dastuurku. Qodobkaasu wuxuu ku waajibinayaa inay dhisto Guddi Adeeg Garsoor oo arrimaha garsoorka maamula si loo xaqiijiyo madax-bannaanida garsoorka. Dawladdii la rabay inay hawshaas dhammaystirto waxay ku mashquulsantahay in la baab’iyo kuwii Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalku ay dhisteen. Arrintaasu miyayna ahayn dhimis?

Waxaa xusid mudan in aynaan illaa hadda maqal mid qudha oo maamuladaas ka mida, oo leh anigu maxkamadaha ma maamulan karo amaba ka cabanaya nidaamka garsoor ee labada heer ah.

Haddaba haddii dastuurku dhidbay garsoor laba heer ah oo qaab-dhismeedka hadda jirana taas waafaqsanyahay, maxaa keenay in lagu noqdo? Saw ma ahayn in iyadaas sidii loo sii xoojin lahaa laga shaqeeyo?

Wixii sidaas u qeexnaa waaqacuna waafaqsanaa in la yidhaah ha la tir-tiro oo ha lagu baddalo garsoor isku dhaf ah, oo waligeed aan Soomaaliya lagu tijaabin ma dastuur dhimis baa mise waa dhammays-tir? Jawaabta adaan kuu daayay akhristoow!

Nidaamka Doorashada

Qodobka 1aad ee Dastuurka wuxuu dhidbayaa nidaam axsaab badan. Nidaamkaas xisbiyada badan ayaa ah sida ugu macquulsan ee danaha kala duwan ee qaybaha bulshada ay mid waliba matalaad ku heli karto. Marka la joogo heer federaaal qodobka 47 wuxuu golaha shacabka u awood siinayaa inuu soo saaro xeerarka khuseeya axsaabta siyaasaddeed ee heer federal, diiwaan-galintooda iyo doorashooyinka federaalka. Dawladda federaalku waxay ahayd inay gudashada waajibkaas xoogga saarto, beddelkii ay ku mashquuli lahayd tir-tiridda waxa ku qoran qodobka 1aad ee dastuurka oo ah axsaab badan.

Haddaba haddiiba dastuurku axsaab badan ku taliyay maxaa loogu baahday in laba xisbi lagu soo ururiyo? Sideese taas loo waafajin noocyada qo-qob ee Soomaaliya ka jira? Maxaa sal looga dhigi karaa labada xisbi – waqooyi & koonfur miyaa iyo soo noolaynta xuduudkii gumaysiga sida, 28/08/2023, uu tibaaxay xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)? Kuwo hadda samaysmaya ma waxaad ku qasbi inay isku biir-biiraan? Haddayna is-qaadan karin side loo maaraynayaa?

Haddii qodobakii dastuurku ku bilaabmay la leeyahay aan tirno oon ku baddalno wax kale iyadoon lagaba dooddin, arrintaasu ma dhammystir baa mise waa dhimis? Akhristaoow, jawaabta adaan kuu daayay.

Nooca Dawladda

Waxa uu goluhu ku doodday waxaa batay khilaafkii madaxwaynaha iyo ra’iisal wasaaraha. Taas macnaheedu ma in madaxwaynaha iyo madaxwayne ku-xigeenku aanay is-qabsan doonin baa? Mase la is waydiiyo maxaa is-qabsiga keeenaya? Ma sharcigii oon la ixtiraamayn baa?

Hadday jawaabtu haa noqoto saw ma habboona in laga shaqeeyo sidii sharciga loo ixtiraami lahaa? Saw ma ahayn in la xoojiyo nidaamka isla xisaabtanka iyo sidii lagaga tallaabo qaadi lahaa kuwa sharciga u gafaya? Saw ma ahayn in la dhiso maxkamaddii dastuuriga ahayd ee iyadu kala xukumi lahayd khilaafka noocaas ah. Dastuurka waxaa dhammaystir u noqon lahayd arrimahaas oo laga shaqeeyo.  

Sida uu dhigayo qodobka 89 ee dastuurka madaxwaynaha waxaa doorrta baarlamaanka, hannaanka la raacayana dastuurku waa faah-faahiyay. Nasiib wanaag sidaas ayaa lagu dabbakhay seddexdii doorasho madax-wayne ee ugu danbaysay. Waxaase yaab leh in halkii waxa ka dhimman la dhammaystiri lahaa lagu mashquulay iyadii in laga daba-tago. Akhristaw sidaasu miyaanay ahayn in dastuurka intii dhammaystirnayd uun la kala dhimayo?

Gunaanad

Kalmadda English ka ah ee “constitution” macnaheeda tooska ah waa yagleelid, amaamudis, dhisid ama unkid. Wuxuu seeska ujeexaa nidaamka bulsho, dhaqan, siyaasaddeed iyo dhaqaale ee ummadi yeelanayso. Shuruucda, siyaasaddaha iyo barnaamijyada kale oo dhan isagaa lagu dul-dhisaa. Haddii isaga mar-maroor ku jiro wixii kale oo isaga lagu dul dhisay way ka sii darnaanayaan. Sidaasi awgeed, waa in sida ugu badan looga taxaddaro wax kastoo ku saabsan dastuurka qoristiisa iyo wax ka beddalkiisaba gaar ahaan hannaanka loo marayo.

Taas lidkeeda, waxaa muuqata in hannaanka la marayo iyo dulucda la abbaarayaba ay wax wayn ka khaldanyihiin. Taas macnaheedu waaa in xataa haddii loo ekaysiiye in dastuurkii la dhammaystiray aanu dastuurkaasu noqnayn mid horusocod ah oo lagu gaadho horumar joogtaysan ayayna u badantahay inuu abuuro jahwareer siyaasadeed oo cusub.

Maxamed Macalin Siyaad

@MSeid6


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.