W/Q Maxamuud Cali Geeldoon
Waxaan aqriyey maqaalka Dareen ee uu Siciid Jaamac ka qoray guushii lama-illaawaanka ahayd ee uu Maxamed Faarax (Mo Farah) kasoo hooyey ciyaarihii Olympics-ka ee kal afraadkii lagu qabtay London. Si aad u qurxoon ayuu aqristayaasha ula qeybsaday Siciid dareenkii saaqay muddadii beratanku socday. Haddaba, bal anna tan aan ku darsado.

Goor galaba ayaan muuq-baahiyaha (TV-ga) ka maqlay hadalhaynta tartan dhici doona maalintaa ku xigtey oo uu Mo Faarax ka qayb geli doono, aadna ay dadweynaha Ingiriisku u sugayeen iyagoo libta filanaya. In kastoo aan Mo sheedda kala socdey, si fiican warkiisa umaan hayn, mana fileyn inuu billad Dahaba iyo wax u dhow toonna haweysanayo. Haddaba, anoo ah ruux aan abidkii ciyaaraha ku wanaagsaneyn aadse u jecel inuu daawado, ayaan goostay inaan beratanka Mo uu ka qaybgelayay aanu i seegin. Su’aashuse waxay noqotay: Bal xaggaan ka dawaadaa oo muuq-baahiye iigu dhow?
Magaaladaan degganahay oon ka shaqeeyaa waa Green Bay, oo ku taalla gobolka Wisconsin ee USA. Reerku magaala kale ayay degganyihiin. Meesha aan keligay degganaa muuq-baahiye ma ool, haddana ma yaal. Talo ayaa ugu baahday, goobtii aan Mo ka daawan lahaa!
Dunidu maaha Cadantii aannu, markaannu carruurta ahayn , intaannu dhaqaaqno reer Carab ah oo aannaan aqoon daf isaga oran jirney oo Shaayaan, iyo The Saint, iyo ugu dambaynta filinkii Masriga ahaa ee saqda dhexe dhammaan jirey ka daawanjirney, reerka guriga lihina aanay carruurtaa gurigooda ku soo xoontay farxad maahee wax kale ka qaadi jrin.
Markuu xilligii orodku soo dhowaadey ayaan aadey xafiiskii guryaha laga maammuli jirey oon muuq-baahiye ku ogaa anoo isle, “Tolow maanta fursad maw heleysaa?” Waan soo galay mise cidiba daawanmayso!
Tartankii baa bilawday. (Weligoodba Mo Ingiriis haku sheegeen. Saasaan u eegay, mise iga walla kuwa aan iqiin jeegadoodii buuba leeyahay.) Waxaan maqli jirey kudda cawleed, kabti deero, karti biciid. Malaha waa halka magaca Biciide ka yimi. Raggii dugsigii Dayaxa markaannu ku jirrey sida dabaysha u lali jirey ayaan soo xasuustay.
Dareenkii jidhkayga ku wada ekaaday iyo wixii sawirro maankayga galaabaxay oo ku wareegey, Siciid, baa cabbiray si ka roonna uma dhigi karo, waanna ka gudbayaa.
Markay ilaa laba ama saddex wareeg hadheen ayaa waxaa ii soo galay habra meesha xaflad ku qabsanaya. Sidii awr culays weyn la saaray ayaan, ismaba dhaqaajinne, iska yuurursaday. Iyana waygu gaafwareegen waxse ima oran. Malaha wejigeygay daalacdeen. Labadii wareeg ee ugu dambeeyey waxay ila ahayeen maan-ka-arag iyo dhalanteed aan run ahayn. Gebegebadii, markii uu Mo isagoo ay indhuhu soo bexeen khadkii ka tallaabay ayaan, salbabakh dartii, intaan is illaawey, oo istaagey, habrihii ku iri, “Waa Soomaali!” taasoo aad ula mida tan Siciid ka soo yeedhay ee “Ma arkayseen wiilkii Soomaaliyeed waxa uu sameeyay!!” It is true, like minds think alike.
Xaggii guriga ayaan usoo dhaqaaqay iyadoo aad mooddo inuu dareen iga tan weyni sida dabayl xoogle ii sito. Intaanan meel kaleba deyin, ayaan waxaan dul tegey laptop-kaygii si aan u cabbiro dareenkii markaa i hayey. Erayadan Af_Ingiriisida ku qoran ayaan isku duwey oo u diray madal Soomaali badani ku jirto oo layiraahdo Talo iyo Tusaale:
It was the final lap. And there he was, finally emerging to show the world what hard work, patience, discipline and monumental courage can do for a tiny boy from the land of poets. With a bated breath, I watched. And for a moment, the heart of a nation paused; the Somali nation. Would he endure? Could they catch him?
This was a day I needed not root for a Kenyan or an Ethiopian. This was a day for me and for all men and women of the tortured Somali race.
He crossed the line and in a state of shock looked up and raised his hands; then he bowed and made sajda. This was the moment that over many arduous years he had waited and toiled for. This was a teachable moment. This is the way to win, in sports and in all other fields of human endeavor. No short cuts; no deception; no empty bravado; no laziness.
Tonight, the little giant rose to amazing heights. Tomorrow, we as a nation can do the same. After all, Farah is our own.
Kuma nafisin, kumana niyad samaan, dhambaalkaa aan Talo iyo Tusaale u diray. Waxay ila noqotay inaan ku guuldarraystay muujinta dareenkii igu jirey iyo macnaha ay guusha Mo Faarax Soomaali u lahayd. Farxaddaydii waxay isu beddeshey cadho!
Maalintii labaad ayaan waxaan helay dhambalkan:
Hello,
I’m a reporter from the Los Angeles Times working on a story about Mo Farah and I came across a wonderful lyrical, inspiring letter that you wrote on a Somali email group about what it means to Somalia. I wondered if you would be willing for me to quote it in my story? If you would be willing, is it OK if I have your name?
All Best,
Robyn Dixon
Waar bal layaabkan kaalaya!
Qoraalkii L.A Times-ta keliya maahee, dhul badan oo kale ayuu ku soo baxay, siiba weedhiisa ugu dambaysa ee ah:
Tonight, the little giant rose to amazing heights. Tomorrow, we as a nation can do the same. After all, Farah is our own.
Sheekadani ma dhammaystirra haddaanan xusin maqaal isna ku soo baxay wargeyska The Gurdian oo lagu soo xigtey weedhaan kor ku xusay iyo hadal ay tiri Marwo Edna Aadan:
Edna Aadan Ismail, the former foreign minister of Somaliland, says: “Mo Farah may have been born in Mogadishu, as were many Somalilanders who happened to be working or living there during the time when Somaliland and Somalia were united, but he is not from Somalia. He is from Somaliland. He is from the Isaaq clan, and Jibril Abokor sub-clan, who are not natives of Somalia.
Maalintii ay Madaxweyne Ronald Reagan xabbaddu ku dhacday, ayuu waa tuu kaftanka badnaaye, markii cusbataalka lasii gelinayey wuxuu ku yiri kooxdii ku soo xoontayee la carareysey, “I hope you are all Republicans!” Dhakhtarkii kooxda u madaxda ahaa ayaa ugu jawaabey, “Today, Mr. President, we are all Republicans.”
Marka ayeeydey Edna (Ogow, da’ ka hadli maayo) waxaan oran lahaa: Maalintaa Soomaaloo dhammi waxay wada ahayd Jibriil Abbokor.
Marmar ayaan carrurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed la hadlaa. Had iyo jeerra waxaan tusaale usoo qaadan jirey Mo Faarax iyo Dr. Ben Carson. Hadda waxaan soo qaadanayaa Mo Faarax iyo Ben Carson hooyadii oo ahayd halyeyaddii dhabta ahaydee u gogol-xaadhey guulihii uu wiilkeedu gaadhey.
Guntii iyo gunaanadkii, Maxammed Faarax wuxuu bidhaan la higsado u yahay Soomaali oo dhan:
Just as it in our hearts gets dark; gloom sets in all around; the eyes in beauty ugly see, and the roses smell sweet no more; just when minds born bright turn dull and barren; when the will gives way; souls, young and old, the Land of Punt betray and surrender becomes the order of the day; just when all go astray, Mo shows the way!
Rabbigeen Maxamed Faarax madixiisa ha raajiyo, If iyo Aakhirona khayar iyo wuxuu ku farxo ha siiyo.
Maxamuud Cali Geeldoon
Email: mgaildon@aol.com