
Kolkii lagu yiri: Sheekh noo dardaaran wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu ina siiyey diintii ugu fiicnayd, wuxuuna inoo soo diray rasuulkii ugu fadliga badnaa ee qabsada diintaas.
Wuxuu yiri: diintu waa kitaabka (Qur’aan), sunnaha (axaadiis) iyo Ijmaaca ( masalada culumadu isku raacaan).
Wuxuu yiri: dagaalka muslimiinta u dhexeeya ha la iska ilaaliyo.
Wuxuu yiri: Sh. C/naasir ma garanaysaan?. Waxaan ku niri: haa, wuxuu yiri: xaggee joogaa?. Waxaanu ugu jawaabnay Laascaanood. Wuxuu yiri aada oo cilmiga ka barta.
Hadalka kooban ee sheekhu wuxuu ka koobnaa:
1- Diinta oo dadka la jeclaysiiyo, loona sheego qiimaha ay leedahay
2- Dadka in lagu boorriyo qabsashada diinta iyo barashadeeda, waana dardaarankii nabigeena: “waxaan idiinka tagey wax haddaad qabsataan aydnaan gadaashay lumayn: kitaabka Alle iyo Sunnadayda”
3- In dadka loo sheego waxa diinta ah si aysan wax walba diin ugu malayn.
4- in muslimiinta looga digo colaadda sokeeye oo dhaawacaysa walaalnimadooda iyo midnimadooda, cadowgoodana u loogaysa
5- In dadka lagu xiro culumada, loona dardaarmo inay cilmiga kasoo bartaan.
Gabagabadii waa ereyo kooban oo qofkii ku dhaqma uu adduun iyo aakhiraba ku liibaanayo. Diintana waxaa ugu muhiimsan inta ugu caansan ee loo arkay inay ugu sahlantahay, sida arkaanta islaamka iyo arkaanta iimaanka.
W.Q. Sh. Axmed Cabdisamed
Email: alwaqaar@hotmail.com
Leave a Reply