DALMAR: Taariikh Nololeedkii Ibraahin Ismaaciil (Q. 2aad)

DALMAR: Taariikh Nololeedkii Ibraahin Ismaaciil (Q. 2aad)

CUTUBKA 2aad

Barbaarid: Cadan iyo Laxij

aden
Tolow ma ku jiraa

Afar ilaa shan beri dabadood ayaannu Cadan gaarnay. Halkaa ayaa sidii aan filayay carruuro badan oo filkay ah ka helay. Hase ahaatee, uma bogin markii aan ku baraaruggay in cunnada iyo waxyaalaha kale ee wanwanaagsani aanay bilaash ahayn, sidii aan filayay. Waxyaalo badan oo aanan hore u arag ayaan halkaa ugu tegay. Dadku guryo safaf ah oo dhagax iyo sibir ka dhisan ayay ku noolyihiin. Badankood guryuhu waxa ay ka koobanyihiin hal qol oo saqaf fidsan iyo ardaa dambe leh. Waxaan arkay fardo wax la yaab leh oo muddo igu qaatay in aan fahmo waxa loola dan leeyahay daba jiitamayaan [gaari faras]. Mar dambe ayay ii baxday in gaarigu aanu sida faraska noolayn. Safarradu intaa si is daba joog ah ayay isaga soo daba dhacayeen oo alaabo badan oo aanan hore u aqoon keenayeen. Markii aan waxyaalahaa wanwanaagsan la qabsaday ayaan nolosha Cadmeed jeclaaday. Muddo aan sidaa u dheerayn ka dib, ayaan iyana ogaaday in sida kaliya ee aan wax aan cuno ku heli karaa ay tahay xatooyo xirfadaysan.

Baahida, ayaa na bartay khayaanooyin aannu ku helno qaddaadiicda aan nolol- maalmeedkayaga ku maaraynno. Inta qarsho jabsanno, ayaannu mararka qaarkood dekedda warwareegnaa oo jawaan docda jeexnaa si aan xabbado basal iyo wax la mid ah uga daadsanno, dabadeedna gambo ama laba ku iibinnaa, wax uun aannu gaajada isaga yuraynno. Ama inta maqaaxi soo ag marno, ayaannu jeedaashannaa gambo qof macmiil ah oo jalmad qaxwe ah iibsaday uu miiska saaray. Qalab gooni ah oo aannu qadaadiicdaa ku soo dabanno ayaan u samaysannay. Ul ayay ahayd timiri afka kaga nabantahay. Annaga oo og in diinta Hinduu-gu ay ka mamnuucayso in uu taabto xoolo dhintay, xubin ay ahaataba, ayaa midkayo laf ku tuuraa kabarka dukaan Baaniyaal leeyahay. Markaa ayuu cararaa. Kii lafta tuuray ku la socda, ayaa inta boorka isku qariya iska dhiga in uu aad uga xunyahay waxa dhacay. Hindigii ayaa markaa ku khasbanaada in uu midkayo gambo lacag ah siiyo si uu lafta uga fogeeyo.

Marar ay hablo Hindi ahi ii dhiibteen bursaliid ay dubeen si aan ugu soo iibsho, badanaa lacagta aan ka gado waa ku khamaari jiray si aan u badsho oo uga sii macaasho. Haddii khamaarka la iga helo, waddada ayaan boorka faarfaaraa oo is boohiyaa ilaa qof waddada marayaa i warsado waxa iga lumay oo i siiyo qaddaadiicda aan u baahanahay. Iyadana, marka maraakiibta rakaab Yurubi ahi siddaa timaaddo, intayada carruurta ahi waa u dabaalan jirnay, iyaguna gambooyin lacag ah ayay biyaha noogu tuuri jireen. Mararka qaarkood xataa shilin ama nuskarown ayay badda ku tuuri jireen. Isla marka aannu u aragno qaddaadiicdii oo soo dhacaysa, ayaannu quusi jirnay ilaa joog dheer oo hoose annaga oo eegaynna sigsaagga ay u sii degayso ee madaxyadayada ka kor wirwirqaya. Mararka qaarkood is-garbin daran ayaa ka dhici jiray. Marka aannu soo qabannaba kor ayaan u soo bixi jirnay oo inta kor u taagno….

Qoraalka oo dhan halkan ka akhri: DALMAR: Taariikh Nololeedkii Ibraahim Ismaaciil

Waxaa Tarjumay/tifatiray: Boodhari Warsame

Email: bodhari.warsame@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.