Dalmar: Taariikh Nololeedkii Ibraahim Ismaacii (Q. 3aad)

Turjumiddi/Tifatirkii: Boodhari Warsame
Cutubka 3aad
Guryonoqosho I

Laas Qoray markii aan gaaray, ayaan go’aansaday in aan xeebta ku lugeeyo oo Cadcaddo iyo xigtadaydii deggananyd aado. Maalin gelinkeed markii aan sii socday, ayaan helay nin aan isku cid ahayn. Xoogaa timir ah ayuu i siiyay oo ii tilmaamay halkii aan reerkayagii ugu hagaagi lahaa. Duhurkii ayaan gaaray Gacan aniga oo gaajo iyo harraad la il daran. Waxa ay ahayd maalin milicdu aad u kulushahay. Waxa aan u tegay ninkii tuulada ugu qanisanaa oon wayddiistay in uu wax uun cunno ah i siiyo. Waa uu ii diiday innaba. Xil iyo xoolo waxaa iga dhacay waxa ay ahaayeen saddex furin [go’ yar] oo bafto duuga ahaa. Mid dhexda ayuu iigu xirnaa, mid garbaha ayaan ku sitay, kan kalena waa ii duubnaa [madaxa]. Midkood ayaa waxa aan siiyay mid ka mid shaqaalihi ninka maalqabeenka ah oo iigu bedelay nus-rodol timir ah.

Halkii ayaan ka sii dhaqaajiyay aniga oo xeebta raacaya. Habeenkaa waddada ayaan sii dhaxay. Subaxii dambe ayaan Cadcaddo oo aan saaxiibbo badan ugu tegay gaaray. Waxaa ka mid ahaa dadkii aan kula kulmay halkaa ninkii markii aan Cadan joogay aan hooyaday afarta rubiyadood ugu soo dhiibay. Waxa uu ii sheegay in aanu lacagtii hooyo u gayn waagii, waxaana uu ii celiyay rubiyad aan markiiba xoogaa bariis ah siistay. Halkaa ayaan isagana kula kulmay ina adeerkay oo iiga warramay halka reerkayagii deggenyahay. Isagii ayaan annaga oo bariiskii sidanna is raacnay. Habeenkii jidka ayaan ku sii dhaxnay oo saddex aqoolood oo bariis ah karsannay.

Ugu dambayn waxa aannu gaarnay Xulya. Halkaa ayaan u tagnay walaalkay Cabdille oo waab yar hurda. Waa naafo (jiis), dhinac ayuu u yiil, madaxuna waa u dednaa. Markii aannu u soo galnay ayuu daymmo murugo leh nagu dhugtay. Illaa waa nin aan cidina u soo gelin, marka laga reebo xaaskiisa iyo gabadhiisa oo caanaha u keena. Waa uu na salaamay ”Asalaamu Calaykum.” Markaa ayaa ina adeerkay inta gacanta igu taagay isagii wayddiiyay ”ninkan ma garanaysaa?” Jawaabtiisu ”maya” ayay ahayd. Ina adeerkay ayaa markaa ugu celiyay ”waa wiilashii aabbahaa midkood”. Markaa ayuu la soo booday ”ma Ibraahin baa!” Wuxuu ugu jawaabay ”haa, waa isagii.” Alla farxad waynaydaa in aan dib isu aragno subaxaa! Oo maxaa waxyaalo aannu ka sheekaysanno naga buuxay! Waagii, toddoba sano ka hor, ayuu isla markii uu maqlay in aan reerkii ka baxsaday geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay raadintayda, ninkii doonidiisu Cadcaddo iga soo qaadday ee Cadan i keenay iyo isaga mid xun baa ka dhex dhacday aniga dartay. Ilaa waagaa meel aan jiro iyo in aan dhintay ama noolahay midna kama uu war hayn. Markan aan kulmaynno, isaga col Majeerteen ah ayaa si xun u dhawaacay oo tummaatiyihii ay la dhaceen ay korkiisa ka muuqdaan. Rasaas midkood ku ridayna inta lawga ka haleeshay ayay naafo aan ka soo kabasho lahayn ka dhigtay.

Qoraalka oo dhan halkan ka akhri: Taariikh Nololeedkii Ibraahim Ismaaciil

Turjumiddi/Tifatirkii: Boodhari Warsame
Email: Bodhari.warsame@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.