Daljir: Gabay

Daljir: Gabay

W/T Maxamuud Xaaji

Daljir daacadaan ahay
Darwiish heegganaan ahay
Geesi diirran baan ahay
Dir waxaan u leeyahay
Danta guud in aan jiro
Intaan dunida saarnahay
Daandaansi ma ogoli

Ninkii damacu qaadoo
Dirirtayda maagana
Anigaa duruus iyo
Maahmaah da’ weyn iyo
Erey duugga dhaxal gala
Diiwaanka ugu qora!

Difaac bira ayaan ahay
Anigaa dalkeenniyo
Dunji ubadka Soomaal
Degta qoriga ugu sida
Ilaa duubcaddii beri
Anaa daal u qaayibay
Anaa dakharra dhiigliyo
Dammu iyo hura ruux
Anaa tay u daayacay
Inaan dabarku kala go’in,

Derbi bira ayaan ahay
Deyr aan la jebin karin
Buur dediba baan ahay
Iyo maaci aan dumin
Diihaalku ima karo
Iyo diifta gaajadu
Isma doorsho weligeey
Sida dhagaxa dahabka ah

Anigaa Danjire u ah
Inta deemman oo idil
Anigaa u doodoo
Ugu jira difaac adag
Anigaa dagaal iyo 
Ku mutaysta duullaan
Anigaa darxumadiyo
Duruufaha u qaayibay
Anaa doorkii qarankiyo
Buuxshay tii dadweynaha
Anigaan ka daalayn
Ilaa daarta aakhiro

Dan ii khaasa maahee
Ogoow waa daraaddaa
Waxa la igu dilayaa
Dalka yaan lakala jarin
Waxa daanku ii jabey
Dadka yaan kala geyn
Digdigtani ogsoonoow 
Maaha daanno aan galay
Waxa la ii dirqiyayaa
Inaan diiday kala sooc
Darxumada waxaa i abaday
Yaan reerku kala didin
Waxa la ii duleedshaa
Dawlad mida in aan rabo
Digashada waxaa dhalay
Waa dareenka aan qabo
Waxa la ii dabsaaraa
Dulmidiid in aan ahay

Duxda hadalka guud iyo
Dulucdaydu waxay tahay
Anigaa dulqaad u leh
Dacas iyo dhib iyo oon
Anigaa diyaar u ah
Dunbukhiyo rasaastaba
Anigaan ka daalayn
Xaqa in aan ku daakiro

Anaa diinta gaadh ka ah
Anigaa dugaagiyo
Ka ilaasha ducufkoo
Anigaa dalka iska leh
In la kala dillaacshoo
Daldalool ka muuqdiyo
Anaa diiday kal goyn
Ma oggoli in uu dumo
In uu dumona ma oggoli!

Maxamuud Xaaji
London, UK

Leave a Reply

Your email address will not be published.