Daladda Culimadda Soomaaliyeed oo cambaareysay dilka wadaad caan ah oo Muqdisho lagu diley

Muqdisho (WDN)- Daladda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa maanta cambaareeyey dil magaalada Muqdisho loogu geystay xalay fiidkii Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xersi, oo ka mid ahaa culimada  magaca ku leh bulshada Soomaaliyeed  kana mid ahaa culimada sida aadka uga soo horjeeda fikirka kooxaha xagjirka ah.

Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xersi,

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Daladda Culimada Soomaaliyeed ayaa si aad ah u cambeereeyey dilka Sheekh Cabdicasiis oo uu sheegay in ay ahaayeen saaxiibo aad isugu dhaw, isla markaana sheekha uu ka mid ahaa culimada sida aadka uga soo horjeeda fikirka xagjirka bulshadana uu ka wacyi gelin jirey.

Sheekh Cali Wajiis ayaa intaa ku darey in Sheekha oo ahaa khadiibka Masaajidka Dabaqeynka ee degmada Dharkanley, uu maalintii shalay ahayd khudbadii salaadda Jumcaha uu kaga hadlay khatarta kooxaha xagjirka waxa uuna si gaar ah uga hadlay khatarta kooxda Alshabaab iyo sida ay muhiim u tahay in la iska qabto.  Kooxdaasi Al Shabaab oo dhibaato ku haysa bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in daadinta dhiigga qofka muslimka sinnaba aanu u bannaaneyn.

Kooxa hubeysan oo tiradoodu gaareysay 3  ayaa xalay fiidkii toogasho ku dilay Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi, xilli uu kasoo baxay masaajidka Dabaqaynka. kuwaasi oo dilka kadib isaga baxsadey goobta, waxaana falkani uu noqdey mid ka careysiiyey bulshada qeybaheeda kala duwan oo ku tilmaamey dilka culimada inuu yahay wax aan la qaadan karin. Shcabka oo arinkaasi aad uga caraysan ayaa ka  codsaday dawladda federaalka in arintani wax ka qabtaan cadaaladana la hor keeno qolooyinka falka  foosha xun ku kacey.

Kooxda Alshabaab ayaa muddooyinkii danbe beegsi ku haysay waxgaradka iyo culimada ka hor timaadda fikirkooda, mana aha markii u horeysay oo ay beegsadaan culimadda aan ku fikirka ahayn. Waxaana dilka Sheekh Cabdicasiis uu cadeynayaa in kooxda Alshabaab ay beegsaneyso cidwalba oo diida fikirkooda xagjirka ah .

Qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta  Axmed Macalin Fiqi, ayaa cambaareeyey dilka Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi. Waxa uuna tacsi u diray ehelladdii iyo qaraabadii uu ka baxay, waxa uuna ku tilmaamay Sheekha inuu ka mid ahaa culumaa’udiinka sida aadka ah uga dhiidhiyey fikirka xagjirka ah ee Alshabaab iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.