Muqdisho (WDN)- Ciidanka Dawladda iyo maleeshiyaadka deegaanka ayaa weerar daba gal ah ku qaaday gaari dagaal, kaasi oo ay wateen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab oo marayey deegaanka Xalfoy ee Koonfurta gobolka Hiiraan.
Iska hor imaad xooggan oo deegaankaasi ku dhex marey labada dhinac, ayaa wararka deegaankaas ka imaanaya sheegayaan in labada dhinac-ba uu soo gaarey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in gaari nooca Cabdi Bilaha Soomaalidu u taqaano oo ay wateen maleeshiyaadka Alshabaab halkaasi lagu gubey, waxaana dhinacyada deegaanka Xalfooy ku dhex maray ay wadaan abaabul ballaaran, ayadoo ay soo gaarayaan gurmad xoog leh.
Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii u danbeeyey uu ka soconayey hawlgalo ay iska kaashanayaan milatariga Soomaaliya iyo maleeshiyaadka deegaanka ee Macawisleyda, kaasi oo ka dhan ah maleeshiyaadka Alshabaab. Abaabul milateri oo ay iska kaashadeen shacabka deegaanka iyo dowladda ayaa sababay in gacanta kooxda ka baxey deegaano badan oo muddo sanado ah ka talin jireen sida Yasooman iyo Moqokori halka dib loo furey wadadii xiriirin jirtey magaalooyinka Baladweyne iyo Buulo-Burde oo in ka badan 8 sano xirnayd.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply