Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dagaalka Biyaha: Soomaaliya Maxaa la gudboon?

Dr.Cabdifitaax Nuur Axmed ( Ashkir) 

Xoghayihii hore ee hay’adda Qaramada Midoobay Boutros Boutros-Ghali ee xilka hay’addaas hayay sannadihii (1992-1996), wuxuu leeyahay odhaah ay xeel-dheerayaasha siyaasaddu adeegsadaan kolka ay ka hadlayaan muran-biyoodka dhawaanahaan soo if-baxay ee dunida. 

Boutros-Ghali wuxuu yiri “ dagaalka saddexaad ee dunidu wuxuu noqon doonaa mid salka ku haya biyaha.” Wuxuuna sii raaciyay in uu saadaalinayo in sannaddu markay tahay 2030-ka uu qarxi doono dagaal caalami ah oo salka ku haya biyo. 

Biyo-xidheenka cusub ee Itoobiya

Haddaba, marka aan u fiirsano muranka ka dhex-taagan dalka uu Boutros u dhashay ee Masar iyo Itoobiya, laga soo billaabo sannadku markuu ahaa 2011-kii oo ku beegan xilligii ay Itoobiya bilowday dhismaha biyo-xidheenka weyn, waxaynu oran karnaa waxaa muuqda ififaalo dirir dhinaca biyaha ah! 

Haddii biyo-xidheenkaasu u fulo, sida ay Itoobiya damacsantahay, 70% shacabka reer Masar waxay noqonayaan sabool gacmo madhan ah.  Niilkana hogganka siyaasadeed ee Masar waxay u yaqaannaan arrin dhimashada ama nololoshoodu ku xidhantahay  (MAS’ALAD XAYAAT Aw-MOWT)!

AL-SAD AL-CAAL

Wareysi aan dhagaystay oo lala yeeshay raysul-wasaarihii hore ee Itoobiya, Hailemariam Desalegn, wuxuu sheegay in 67% shacabka Itoobiya ay ku noolyihiin mugdi koronta la’aan awgeed! halka 98% shacabka reer Masar ay isticmaalaan ilayska korontada laga dhaliyo biyaha ee daamka weyn ee “AL-SAD AL-CAALI” ee la dhisay – Alle haw naxariistee- muddadii xukunkii Jeneraal Jamaal Cabdi Naasir.

Labadaa aragti ee kala taagan labada cidhif waa mid keeni karta in uu qarxo dagaal salka ku haya dano biyo.

Dhinaca kale, Jumhuuriyadda Turkiya iyana waxay ku jirtaa hardan dhanka biyaha ah, waxay muran-badeed kula jirtaa Gariigga iyo Masarba. 

Turkidu waxay dunida ku leeyihiin 7 saldhig oo kan ugu weyni ku yaal dalka Soomaaliya. Imminkana Turkidu waxay badhi-taadhaan dalka Liibiya, waana fursad dahabi ah oo Turkida u suuragalisay in ay cagta saaraan mar kale Badda Dhexe ee cad ( AL-BAXAR AL-ABYAD AL-MUTAWASID) oo ay gacan-ku-haynta marin-badeedka muhiimka ah ugu dambaysay xilligii uu hoggaanka boqortooyada Cusmaaniyiinta hormuudka u ahaa: Suldaan Sulaymaan Al-Qaanuuni ( 1522-1566). 

Turkida iyo Xabashiduba waxay ka mideysanyihiin aragtida oranaysa: dowladaha ay biyuhu ka soo burqadaan baa xaq u leh go’aan-ka-gaaridda biyaha, oo Turkiya waxaa ka soo burqada laba wabi oo biyaha macaan ah ( Al-Dijla iyo Al-Furaat) Itoobiyana waxaa ka soo burqada  Wabiga Niilka ee Buluugga ah.

Halka Masar, ay calanka u siddo aragtida oranaysa biyaha waxaa ka ariminaya dalalka uu ku shubmo; iyagoo dooddooda ku xoojinaya heshiisyo gumeystihii ingiriisku la saxiixday dalalka uu Niilku maro sannadihii ( 1891,1925,1929,1959) oo dhammaantood xaq siinaya dalka Masar oo la siiyay sad dhan:( 55 Milyaar Mittir Mukacab).

Dagaalka biyuhu Soomaalida raad ma ku yeelan karaa? 

Aqoonyahan Kuweetiyaan ah oo la yiraahdo Fahad Al-Shuleymi ayaa sheegay in ciidan Soomali ah oo ay badhi-taarayaan xoogag Turki ah ay qabsan doonaan jasiiradda Suqaddara, ninka hadalkaa ka soo yeeray wuxuu ahaa  G/Sare ciidanka dalka Kuwayt oo iminka  hawl-gab ah, wuxuu madax ka yahay xarun cilmi-badhis oo ka shaqeysa amniga iyo nabadda. 

Heshiiska dalka Imaaraatku la galay Israa’iil wuxuu salka ku hayaa gacan-ku-qabashada badda cas, 1993-kii markii ay Eretareeya ka go’day Itoobiya, Israa’iil way soo dhaweysay; sababtuna waxay ahayd: dalka Eretereya wuxuu noqday dalka kaliya ee aan Carab ahayn ee dhaca badda cas, Istiraatiijiyadda Israa’iil-na waxaa udub-dhexaad u ah biyaha, oo astaanta calankoodu wuxuu ka koobanyahay bisha Daa’uud oo muujinaysa diintooda Yuhuudda iyo sumad kaloo mince ahaan ka dhigan ( MIN Al-Niili ILAA AL-FURAAT) oo ah dhulka ay Israa’iil damacsantahay in ay qabsato oo u dhaxeeya Niilka Masar ilaa Furaat ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya. 

Dowlad Astaanteedu biyo tahayna waan dareemi karnaa in ay doonayso marin-badeedka Bariga Dhexe in ay qabsato. 

Dhammaadkii bishii Luulyo ee sannadka 2020-ka shir ay golaha wasiirrada JFS yeesheen waxay ku ansixiyeen heshiis ay wasaaradda arrimaha dibaddu la yeelatay dhiggeeda dalalka Carabta ee kulaala badda cas. heshiiskaasi aniga fikirkayga waxay ila ahayd in laga fiirsado; waayo ma habboona in aan noqonno gacan u adeegta dano dad kale oo aynaan aqoon! 

Somaliland ayaa la saadaalinayaa in ay noqon karto meel ay Israa’iil iyo dadka danaheeda fuliya ay ku adeegtaan, iyadoo arrintaas madaxda Somaliland u arkaan mid u keeni karta aqoon caalami ah oo ku aaddan gooni-isutaaggooda! 

Joornaalka ka soo baxa dalka Israa’iil ee lagu magacaabo: “The Jerusalem Post” ayaa qoray faallo cinwaankeedu ahaa: “Israel and Somaliland long lost Brothers.” Oo macnaheedu noqonayo Israa’iil iyo Somaliland walaalo kala baaday, waxayna tusaale u noqon kartaa in Israa’iil ay ka damacsantahay Somaliland in ay noqoto dal kaloo sida Eritrea ugu soo biira badda cas! 

Muranka xuduudda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya waxa uu inagu baraarujinayaa khatarta ay ku sugantahay badda Soomaaliyeed iyo sida ay cid weliba u soo hungurayn karto.

Dalka aan dariska nahay ee Itoobiya ayaa dhawaanahaanba ku hawlanayd in ay dhisto ciidan badda ah, waa dal xiran oo aan bad lahayn; misana, dhisanaya cudud ciidan oo badda ah, halka JFS oo leh xeebta ugu dheer AfriKa ayan lahayn weli ciidan xooggan oo dhinaca badda ah, arrinkaasu wuxuu u baahanyahay in aynu ka baaraan degno haddaanu Soomaali nahay, una diyaar garowno difaaca biyaha Soomaaliya.

Talo soo jeedin:- 

Haddaba, si aynu dagaalkaas dhinaca biyaha ah ugu diyaar garowno waxaan soo jeedin lahaa talo iyo tusaalayn ku aaddan biyaha Soomaaliya; 

B. Dowladda Federalka Soomaaliya

  1. In la dhiso cudud ciiddan oo ay u dhammaystiranyihiin wuxuu ciiddan u baahnaa oo dhan dhinac aqoonayd iyo qalab ciidanba.
  2. In la yagleelo xarun qaran ee cilmi-baadhista biyaha ah oo ka shaqeysa talo siinta dowladda dhexe iyo dowladaha xubinta ka ah ( dowlad-goboleedyad). 
  3. In la diyaariyo xeel-dheerayaal dhinaca badda ah, oo loona raadiyo ardayda ka baxday dugsiyada sare iyo heer waxbarashada sareba iyo heerka labaad iyo saddexaadba ( Masters degree and PH.D) culuunta baddaha.
  4. Samaynta Wasaarad ku shaqo leh biyha iyo guud ahaan dejinta qorshaha dalka ee ku aaddan siyaasadda biyaha. 

T. Jaamacadaha dalka ( Xarumaha Cilmi-baadhista) 

  1. Nasiib darro ma jirto Soomaaliya -ogaalkay- jaamacad leh kulliyadda cilmiga badaha, waxaa loo baahanyahay in jaamacaduhu soo kordhiyaan takhasuskaas. 
  2. In jaamacaduhu furaan xarumaha daraasaadka biyaha oo ay soo saaraan cilmi-baadhisyo biyaha xiriir la leh;
  3. In jaamacadaha dalku xiriir dhow la sameeyaan dhiggooda caalamka oo ay iska kaashadaan daraasaadka biyaha; tusaale ahaan waxaan Suudaan ku arkay xarun raacsan jaamacadda “Al-Niileyn” oo la yiraahdo ( xarunta  cilmi-baadhista ee dowladaha dhaca niilka) waa fikrad fiican oo jaamacadaha dalka ay hogo-tusaalayn ka soo maan-guurin karaan.

Gunnaanadkii dhambaalkaygan, waxaa ii muuqata khatar ku soo wajahan biyaha Soomaaliya, oo ilaahay ku galladay bad iyo xeeb baaxad leh, dadkayguna ay yihiin kuwa moogayaal ah, anigoo rajeynaya in dhambaalkaygu noqdo baaq kicinaya dareen maqan iyo damac shisheeyoo miciyo-lisanaya! Rabbow wixuu urkayga ku jiray ma sheegay! 

Dr.Cabdifitaax Nuur Axmed ( Ashkir) 

Email: [email protected]


Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland, waana qoraa ka faallooda arrimaha Siyaasadda iyo Taariikhda.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.