Dagaal Khasaare Geystay oo Balcad ka Dhacay Maanta

Dagaal Khasaare Geystay oo Balcad ka Dhacay Maanta

Muqdisho, Abril 27, 2013 (WDN)- Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, ayaa  sheegaya in ciiddamo meleteri ah iyo ilaalada guddoomiyahii degmada Balacd uu dagaal ku dhex maray magaalada gudaheeda, inkastoo markii dambe dibadda looga saaray ciidamadii taageersanaa guddoomiyah demadaa Balcad.

Dagaalka oo aan la’ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay ,ayaa la sheegayaa in uu wali socdo, inta badan magaaladana ay gacanta ku dhigeen ciidamada meleteriga ah.

Dadka deegaanka, ayaa waxa ay sheegayaan in xarunta degmada uu hadda dagaalku ka socodo inkasta oo markii hore uu ka bilaawday waddada dhex marta magaalada oo jid gooyo u tiilay guddoomiyaha iyo ilaladiisa.

Wararkii ugu danbeeyay, ayaa tibaaxaya in magaalada ay soo gaareen ciidamo AMISOM ka socda oo ka yimid dhanka Jowhar inkasta oo cid xaqiijisay aysan jirin arintaasi.

Guddoomiyaha degmada, ayaa mar sii horeysay waxaa lasheegay in xilka laga qaaday hasa yeeshee uu ka dhega adeygay, lamana oga in dagaalkaasi uu daba socdo khilafkii soo dhex galay guddoomihaya Balcad iyo guddoomiyaha gobolka Shabellaha dhexe.

Maxmed Nuur Amin
WardheerNews.com
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.