Wednesday, January 22, 2025
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Dagaal ka qarxay Boosaaso

Boosaaso

Boosaaso, Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso ee dawlad goboleedka Puntland, ayaa sheegaya in halkaas uu ka qarxay dagaal, islamarkaana dhawaaqa rasaasta laga maqlayo magaalada.

Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan PSF ee daacadda u ah taliyihii xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan Diyaano.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in dagaalka ay ka dhasheen khasaare dhaawac iyo dhimashaba leh inkastoo aanan si rsmi ah loo xaqiijin karin.

Xaafadda uu dagaalku ka socdo ayaa la sheegayaa in ay ku taallo xarunta ciidanka PSF iyadoo dadka ka agdhawina ay billaabeen inay ka barakcaan.

Xiisadda colaadeed ee labada dhinac ayaa in muddo ah ka taagnayd magaalada iyadoo iskudayo la rabay in lagu xaliyaana aanay waxba ka suurto gelin.

Ma cadda cidda bilowday dagaalka maanta ka dhacay magaalada Boosaaso oo ah magaalo muhiim u ah dhaqaalaha Puntlnad iyo deegaanada kale ee ku dhaw intaba.

Dawlad goboleedka Puntland, ayaa iyadu ku naaloonaysay degganaansho iyo nabad tan iyo intii dhidibada loo taagay, taasoo ay kaga geddisnayd gobollada kale ee Koonfurta Soomaaliya oo iyaga ay dagaallo, fawdo ka aloosnayd muddo dheer.

Wixii arrintan ka soo kordha waxaan idiinku soo gudbin doonnaa wararkayaga dambe.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2025 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.