Muqdisho, Juun 15, 2013 (WDN)Sida ay ku waramayaan wararka laga heleyo magaalada Kismaayo waxa uu maanta dagaal ka dhacay tuulada Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo dhex maray ciidama taabacsan Axmed Maxmed Islaam (Axmed Madoobe) oo shir Kismaayo ka dhacay bishii hore loogu doortay in uu yahay madaxweynaha Jubbaland iyo ciiddamada dowladda Soomaaliya ee Hoosingow ku sugan.
Dagaalkan, oo aan si dhab ah loo gareyneyn illaa iyo hadda waxa uu salka ku hayo, ayaa haddana wararka qaar waxay sheegayaan in uu ku saleysan yahay arrimo la xiriira mushaharaadka ciidamada dowladda iyo kuwa Raskaambooni oo beri ku mideysanaa la dagaallanka al-Shabaab.
Inta la ogaaday waxa la sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen 14 ruux oo dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ahiba ay ku jiraan, tiro kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhaawacmay, ayaa la geeyay isbitaalka Kismaayo, waxana xaaladdu markii dambe soo kala dhex galay saraakiil dhinacyadii dagaallamay ka soo kala jeeda. Xaaladda ayaa ah mid degggan hadda.
Leave a Reply