Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Dadka qaba cudurka AIDSka oo ka cabanaya nolosha sebenka Koronaha

photo: Petterik Wiggers/Panos Pictures

Ismahaan, maaha magaceeda saxda ah, waxay la nooshahay cudurka HIV/AIDS. Ayada iyo toddoba carruur ah oo ay dhashay muddo lix bilood ah waxaa ay ku noolyihiin raashin ay ka soo qaataan xarumaha hooyada iyo dhalaanka ee ku yaala magaalada Hargeysa.

Hooyadan iyo wiilkeeda ugu yar carruurta oo laba sano jir ah ayaa qaba xannuunka halka inta kale ee carruurta ay ka bad qabaan. Tan iyo bishi Abriil ee sanadkan ayay xarumaha hooyada iyo dhalaanka waydiisataa in lagu caawiyo boorashka iyo haruurka la siiyo carruurta yaryar ee ku xiran MCH-yada kadib marki ay ka xirantahay makhaayad ay shaaha iyo cuntada ku karin jirtay cudurka COVID19-ka dartiis.

“Carruurteyda oo qaarkood HIV-ga la noolyihiin ayaan ku nafaqeysan jiray, nafteyda waan ku nafaqeysan jiray, magaalada waan ku joogay, hadda magaaladii lacag la’aan ayaa jirta, waxaa jira takoor aad iyo aad u badan oo haddii nala ogaado aanaan dab xaafad ka qaadan karin,”

“familigayagii ma ogola in waxna siiyo oo wayna takooreen inay waxna siiyaan iska dhaafe inaan dunida ku noolaano ayayna dooneyn oo dhimashadayada ayay jecelyihiin”.
Dhakhtar talooyin caafimaad siiya dadka la xanuunsan HIV/AIDS ayaa ku wargeliyay inay u nugushahay Karoonaha maadaama ay la nooshahay xanuun kale oo aanay dhex gelin dadka.

Ismahaan oo xanuunka laga helay afar sano ka hor ayaa sheegtay inay ka qaaday ninkeeda oo u dhintay muddo hadda laga joogo laba sano.

Hadda waxay ku noolyihiin buulyar oo ka samaysan qoryo iyo maryo ay meelaha ka soo aruursadeen oo ku yaalla cirifka magaalada kadib marki lagu yeeshay 60 doollar oo ay kirada laba qol oo jiingad ahaa muddo afar bil ah.

“Cuntadii ayaa qaaliyowday qof haddii aad ku dhahdaa wax yar oo aan carruurta u karsado i sii wuu kuu diidayaa oo dadkii toodii ayaa haysata, hanoo soo gelin ayay oranayaa dadkii oo Carona ayaa jira”.

Raashinka ay haystaan ayaa 10kg oo haruur ah iyo 5kg oo boorash ah oo ay karsadaan sedexdi wakhti hal mar. Xarumaha ay tagto ayay haatan u sheegtaa inay la nooshahay HIV si ay ugu caawiyaan raashinka ay siiyaan dumarka iyo caruurta ku xiran xarumahooda, taas oo dhibkeeda leh. “Cidna ima ogayn in aan xanuunka qabo, laakiin hadda dad badan ayaa i ogaan kara”

Cali Cabdiraxmaan Hugur, madaxa mashaariicda ee hay’adda talo-wadaag oo ka shaqeysa arrimaha dadka la nool HIV/AIDS, ayaa sheegay in lixdii bilood ee u dambaysay ay ahayd waqtigii ugu xumaa ee soo mara dadkan ku xiran xaruntooda. Waxaa uu sheegay in shaqooyinkii ay ka joogsadeen sidoo kale aanay jirin cid raashin siisa oo xaaladooda og. Xaruntooda ayuu xusay in ay maalin le u yimaadaan dadkaasi oo ka cabanaya nolosha oo ku adkaatay.

Cali waxaa uu sheegay in bishii u dambeysay oo kaliya ay xaruntooda soo boqdeen 80 qof oo qaarkood caruurtooda wataan. Inta badan dadka soo booqdaa waxay ka codsadaan inay ka caawiyaan raashinka ay ku noolaan lahaayeen.

“Waxaa jiray dad fara badan oo miisas yaryar ku iibsan jiray khudaar sida mooska iyo qaraha iyo kuwa lahaa tukaanno…maalinle ayay wax ku helayeen, waxaa saameyn ku yeelatay isku socodkii iyo wixii ay ka shaqeysan jireen oo joogsaday. Bulshada ayay taasi kala mid ahaayeen laakiin iyaga waxaa u dheer…iyagoo markii horeba dhibanaa oo dawo suuqa ka qaadanayay waxna aan haysan takoorna la kulmayay”

Cali waxaa uu sheegay in dadkii ay raashinka siin jireen aanay helin muddo sagaal bilood ah kadib markii uu dhamaaday mashruucii ay Wasaarada Caafimaadka Somaliland taageeri jirtay oo dadkaas laga quudin jiray.

Mahad Cali oo muddo sagaal sano ah la nool HIV/AIDS afar ka mida sagaal caruur ah oo u dhalay ayuu ka saaray waxbarashada kaddib markii uu waayay kharashkii dugsiga oo bishii laga qaafi jiray $15.

Mahad oo ahaa askari ka tirsan ciidamada ayaa ka wacyigelin jiray askarta inay ka foojignaadaan waxyaabaha keena xanuunka HIV AIDS shaqadaas ayuu ka qaadan jiray $50 balse muddada uu jiray fayraska Carona ayaa laga dhimay waxii uu qaadan jiray. Sidoo kale waxaa ka istaagay shaqo dilaalka gaadiidka iyo guryaha oo uu ka heli jiray inta u dhaxeysa $20 ilaa $30.

Waxuu Radio Ergo u sheegay in lixdii bilood ee dakhligiisu is dhimay in isaga iyo caruurtiisu ay waayeen nafaqadii ay u baahnaaayeen oo hore u heli jireen.

“Waxaan suuqa u dhex joogay carruurtayda maalintii xanuunkan [Korona] la sheegay ayaa iigu dambeysay, dawadii oo kaliya iyo kolba raashinkaas yar ayaan ka shaqeeyaa. Walaahi xaalada Alle ayaa og oo waxaa nagu socda imtixaan oo raashin maleh, cuno maleh, caawimaad maleh noloshii way adagtahay”.

Hadda qoyskiisu waxaa ay ku noolyihiin 197kun oo lacagta Somaliland ah una dhiganta $23 oo uu ka helo shaqo waardiye ka yahay xarunta lagu qaato dawooyinka iyo sadex haaf oo raashin ah oo kala ah bur, bariis iyo saliid oo uu la wadaago ciidanka bishii.

Caruurtiisa oo ka caafimaad qaba cudurka ayuu sheegay muddo lix bilood ah oo aanu shaqo tagin in ay wajahayaan xaaladii ugu adkeyd ee waxbarasho la’aan, inaananay caadi u helin saddexda wakhti iyo ilmihii ka xanuunsada inaanu u awoodin kharashka cisbitaalka amma dawada taasina ay ku dhalisay werwer xanuun kale ku abuuray.

Cali Cabdiraxmaan Hugur waxuu dowlada iyo hay’adaha u soo jeediyay in dadka xanuunka la nool xaaladooda loo ogaado si la mid ah kuwa xeryaha barakaca ku nool ee raashinka la siiyo ama laga taageero nolosha qoyska maadaama ay ka nugul yihiin kuwani.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.