Dadaallo ku Aadan Sidii Loogu Gurman Lahaa Dadka Abaaruhu Hayaan oo ka Socda Guud ahaan Dalka

Muqdisho (WDN)- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Gobolleedyada dalka ka jira, ayaa iska kaashanayaa sidii gurmad loogu fidin lahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee la dhibaateysan abaaraha, oo lagu tilmaamo kuwii ugu darnaa ee dalka soo mara.

Xukuumadda iyo maamulada dalka ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay ka qeyb qaadashada gurmadka abaaraha oo aan la isku halaynin gargaarka iyo deeqaha dalka dibediisa ka imaanaya, taa badalkeed loo baahanyahay in loo istaago sidii loo badbaadin lahaa malaayinta qarka u saaran in ay galaan xaalado macluul ah.

Dadaallada socda ayaa ah kuwo qarashaad iyo raashiin looga arurinayo gacansatada gudaha dalka iyo qof kasta oo awood u leh kaalmeyta dadk tabaaleysan. Waxaa sidoo kale socda dadaallo kale oo Soomaalida dalka dibediisa ku nool ay uga qeyb qaadanayaan gurmadkaan.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan digniintii u danbeysay kasoo saartey xaaladda abaaraha ee Soomaaliya ka jira, waxa ayna dalbatey in la dadajiyo dadaallada malaayiinta Soomaalida ah loogu gurmanayo oo ay Qaramada Midoobey ka deyrisey xaaladda iminka ay ku noolyiniin.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.