Dab khasaare geystay oo qabsaday suuqa weyn ee ganacsiga Jigjiga

Dab khasaare geystay oo qabsaday suuqa weyn ee ganacsiga Jigjiga

Jigjiga (WDN)- Dab xooggan oo khasaare hanti laxaad leh geystay, ayaa xalay qabsaday suuqa weyn ee Taywan, ee magaalada Jigjiga, xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Suuqa oo ah halbowlaha ganacsiga magaalada, ayaa waxaa si xooggan oo xowli ah u qabsaday dab khasaare ba’an geystay.

Dab khasaare geystay oo qabsaday suuqa ganacsiga ee Jigjiga

Goobta uu dabku ka dhacay ayaa waxaa qariyay qiiq weyn oo cirka isku shareeray, iyadoo dab-demiska dowldadda hoose  ay halkaasi u gurmadeen si ay u xakameeyaan dabka iyo holaca xawliga ku socday.

Dabkaasi qabsaday suuqa Jigjiga waxaa gurmad degdeg ah isla xaleyto u soo diray sidii loo xakameyn lahaa Soomaaliland, iyada oo uu hor kacayo Duqa magaalada Hargeysa iyo Taliya ciidanka dab-damiska Soomaaliland. Gurmadka Soomaaliland ayaa xoojinaya dadaallada lagu maareynayo masiibada dabka.

Waxa soo badanaya dabka ka dhaca suuqaqa waaweyn ee Soomaalida, iyada oo ay jirto qorshe xumo iyo kormeer la’aan goobaha ganacisga, oo aad u qaab daran, isla markaana aan laheyn jid ama wadooyin habaysan oo marka ay wax dhacaan gurmadku ka soo gali karo.

Sababta dabka dhalisay ayaan wali cadeyn, iyadoo ganacsatada iyo hay’adaha amaanku aanay bixin macluumaad sugan oo ku  saabsan waxa dabka dhaliyay.

Jigjiga oo ah caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida, oo dhawaanahan  aad u kortay, dhinac dhaqaale iyo degaaan ama shacab (population), ayaa ay tahay oo nasiib darro dabkan xooggan ee baabiiyay suuqii weynaa ee gancsiga.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.