Cumar Cadirashiid iyo Cabdiwali Gaas oo naawilaya fursad ay ku arkaan Madaxweyne Obama

WardheerNews – Iyadoo lagu wado in uu madaxweynaha Maraykanku bishan Julay 24 booqasho ku yimaado wadanka Kenya, ka gadaalna uga gudbi doona Itoobiya, ayaa warar lagu kalsoonyahay oo soo gaadhaya shabakadda WadheerNews sheegayaan in ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Md Cabdiweli Gaas oo hadda ku sugan caasimadda Kenya ee Nayroobi, ay xusulduub ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen fursad ay kula kulmaan madaxweyne Obama.

cumar iyo Cabdiwali
Cumar iyo Cabdiwali

Socdaalka madaxweyne Obama oo ah kii 4aad ee uu ku tago Afrika tan iyo intii uu hayay jagada madaxtinimada Maraykanka, ayaa la sheegay in uu la xidhiidho arrimo ku aadan iskaashiga Afrikada Madow ( Subsahara Africa) iyo Maraykanka, iyo sidii loo xoojin lahaa ama loo hurumarin lahaa dhinacyada Dimuqraadiyadda, xakamaynta musuqmaasauqa (corruption), Ammaanka ( counter terrorism), iyo caafimaadka ee Afrika.

Madaxweyne Obama, ayaa waxa kale oo lagu wadaa in uu ka qayb galo shirka caalamiga ah ee Ganacsiga ( Global Entrepreneurship Summit) oo ka furmaya Nayroobi bishan Julay 24 -keeda.

Md. Cumar Cabdirashiid iyo Md. Cabdiwali Gaas ayaa dhawaan wadahadal aan natiijo fiican laga gaadhin oo ku aadanaa muranka dhinaca xuduudda ah ee ka dhashay yagleelidda maamulka Galmadug iyo guddiyo Farsamo oo dhinaca dasruutuurka iyo xuduudaha ah oo xukuumadda Federaalku magacawoday, balse aan lagala tashan maaumul goboleedyada ku yeeshay magaala Garoowe ee xarrunta Puntland.

Haddaba labadan mas’uul ee Cumar iyo Cabdiwali, ayaa mid kasta goonidiisa la sheegay in uu ugu jiro ol’ole xooggan sidii ay u arki lahaayeen madaxweyne Obama, iyada oo midba uu dhankiisa ka quudaraynayo in xafiiska wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed u suurta geliso kulan kooban oo ay la qataan wafdiga madaxweyne Obama.

ministerAmina
Amina Maxamed, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya

Waxaa iyana jir warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dawladda Kenya ay dadaal ugu jirto sidii ay masu’uliyiinta Soomaalida, Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Cabdiwali ay uga heli lahayd taageero ku qotanta dacwadda dhinaca xuduudda badda ee ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya, iyada oo Md. Cumar Cabdirashii, u ahaa tiirka huriyay muranka xuduud badeedda Soomaaliy iyo Kenya, ka dib heshiiskii uu la galay Kenya xilligii uu ahaa ra’iisal wasaarihii KMG ee xukuumadii Sheekh Shariif.

Waxa xusid muddan in wasiirka arimaha dibadda ee Kenya Aamina Maxamed ay bishin Juun 30dii ka hor sheegtay Baarlamaaka Kenya, in dacwadda xuduudda badda ay Soomaaliya aqbashay in si ka baxsan maxkamada caalamiga ay ku dhamaystaan, inkasta oo Soomaaliya arrintaasi beenisay. Haddaba safarka hadda ay Cumar C/rashiid iyo Cabdiwali, ku joogaan Nayroobi ayaa dad badani aaminsanyihiin in aanu ka madhnayn halwlaha murranka badda.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo xilligan ay dawladda Federaalka Soomaaliya soo wajaheen dhibaatooyin dhaqaale oo ba’an, ayaa ay si aad ah isugu taxaluujinaya sidii ay taageero uga heli lahaayeen waddanka Maraykanka.

WardheerNews