Muqdishu ( WardheerNews) Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu maalinta berri ah hadii Eebe idmo u magacaabayo Cumar Cabdirashiid Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Md. Cumar ayaa noqonaya Ra’isal Wasaarihii sadexaad ee xukuumada Xasan Sheekh Maxamuud muddo laba sano gudahood ah, isaga horey uga soo noqday Ra’iisal Wasaare dawladii Sheekh Sharif ee KMG ahayd. Md. Cumar ayaa lagu xasuustaa heshiiskii badda ( MOU) ee uu la galay Kenya.
Md. Cumar oo ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya Maraykanka , ayaa u ambabaxay Soomaaliya si uu u guto mas’uuliyada cusub ee loo igmaday.
WIxii warar ah ee soo kordha dhaawaan baanu idinla socodsiin doonaa Insha Allah.
WardheerNews
Leave a Reply