WardheerNews (WDN)- War saxafadeed ay si gooni gooni ah u soo kala saareen Cumar C/rashiid iyo Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa midba dhinac u sheegtay in uu ka masuul yahay heshiiska xabad joojnta ee dhex maray Puntland iyo Galmudug. Kaasi oo lagu soo af jarayo colaaddo iyo dagaallo soo noq noqday oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Md. Cabdiwali oo isagu war saxafadeededka soo saaray bishan Noofember 19dii, ayaa cinwaan looga dhigay “Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ku Guulaystay Xabad Joojintii Laga Gaaray Dagaalka Magaalada Gaalkacayo iyo Kala Qaadista Ciidamada”.
War saxafadeedkaasi ayaa muujnaya in si kali ahaan ah mahad loo siiyo Cabdiwali, maadaama uu isagu yahay qofka ku guulaystay xabad joojintaasi.
Dhanka kale maalin kadib, ayaa waxaa isna soo saaray war saxafadeed ku liddi ah kii Cabdiwali, Md. Cumar C/rashiid oo uu ku mahad sheeganayo in uu isagu ka mas’uul ahaa deminta colaadda Gaalkacyo. War saxafadeedkaasi ayaa lagu sheegay “Ra´iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, ayaa ku guuleystay inuu kala qaado ciidamada labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo isku hor fadhiyay in muddo ah Xaafado kamid ah magaalada Gaalkacyo”.
Haddaba ma’uuliyiin ku heshiin la’ wada jirka iyo wada shaqeynta, si loo demiyo colaaddaha iyo dhibaatooyinka la soo gudboonaadda shacbiga Soomaaliyeed, ee uu midba gaar u rabo in uu huwaddo ammaan uu ku magac doonto kalidii, miyaa markaasi looga fadhiyaa in ay dalka qorshe wax qabad oo balaadhan u horseedaan?
WardheerNews
Leave a Reply