COVID-19 oo saamayn ku yeeshay nolasha qoysaskii laga biili jiray dibadda

Boqollaal qoys oo laga soo biili jiray wadamada dibadda ayaa waxaa saamayn ku yeeshay xaadaha shaqo la’aaneed ee ka dhalatay cudurka COVID19-ka oo sababay shaqo la’aan iyo hoos u dhac dhaqaale oo ku yimid dunida. Qoysaskan ayaa bil walba lacago biil ah ka heli jiray dadkooda oo ku kala nool Africa, Aasiya, Yurub iyo America.

Maryama Sh Maxamed Aadan ayaa wajahaysa duruuf dhanka nolasha ah markii ay wayday lacag ay ka heli jirtay saygeeda oo ku degan dalka Mozambique.

Lix carruur ah oo ay dhashay iyo iyada ayaa lagu leeyahay kirada guriga muddo laba bil ah, taasi oo laga qaadi jiray 150 doollar bil walba oo kirada guriga ay degen tahay ah. Waxaa laga goostay korantadi marki ay bixin wayday lacagta oo 55 doolar ah bishi si ay sheegtay Maryan.

“saddex boqol oo dollar kiro ah ayaa lay haystaa.korantadii waa layga goostay guri madoow ayaan dhex joogaa aniga iyo carruurtaydu,biyihiina, waa naga dhamaadeen, dadka deriska ah ayaa biyo iyo wixii aan maalintaasi karsan lahaa igu caawiya, Waxaan ka wel wel sanahay in guriga layga saaro maalin kasta waalay soo wacaa oo waxaa lay waydiiyaa kirada guriga ama nooga bax ayaa laygu yiraahdaa” ayay tiri Maryan.

Si ay carruurta ugu hesho wax ay cunaan ay dadka deriska la ah waydiisataa raashin iyo biyo.

“Wax walba si deg deg ah bay isku badaleen, hadda waxaa dayn ahaan la igu leeyahay 560 doollar,Marba reer waana naga warqabaan anaga iyo dad kale oo nala mid ah” ayay tiri maryama” Maryan oo sheegtay in nolal wanaagsan ay ku jirtay ka hor COVID19-ka muddo laba bilood ah wax lacag ah umuu soo dirin saygeedu markii goobtuu ka shaqaynayay uu saamayn ku yeeshay xanuunka COVID19-ka.

Safiya Jaamaca Cabdi oo 33 jir ah oo ku nool magaalada laascaanood, ayaa ka mid ah dadka ay arrintan saamaysay, Waxay haystaa afar carruur ah, hadda waxay dul saar ku tahay habaryarteed kadib marki ay wayday laba boqol iyo konton dollar oo uu ninkeeda uga soo diri jiray dalka Sucuudiga markii xayaraad lagu rogay goobtii uu ka shaqan jiray isana lagu armay inuu joogo gurigiiisa.

“ Marku shaqadi waayey, waxba wuu awoodi waayay in uuu noo soo diro, hadda welwelka ugu daran ee I haysta ayaa ah in nolashan dulsaarka ah aan kusii jirin karin, mana hubo dee xaalad sida uu noqon doono”

Lacagta ay ka heli jirtay saygeeda ayay sheegtay inay ku filnayd oo ay ku maarayn jirtay kirada guriga, cuntada iyo waxbarashada carruurta. Shirkadaha xawaalaha oo kaalin mugleh ku leh kala gudbinta lacagaha ayaa sheegaya in uu jiro hoos u dhac dadki biilasha loo soo diri jiray.

Gudoomiyaha shirkadda xawaaladda ee Dahabshiil xafiiskeeda laascaanood Cabdiqani Awdaahir Xaaji ayaa sheegay in boqolkiiba soddon ay hoos u dhacay dhaqaalihi xaawaladda la soo marsiin jiray.taasoo uu sheegay inay saamayn wayn ku yeelatahay ganacsiga iyo nolosha magaalada laascaanood.

“xanuunkani wuxuu keenay in dadku guryahooda joogaan,qofka ayaa dhaqaalaha sameeya, Waxaan oo dhan karaa boqolkiiba soddon waxaa hoos u dhacay dhaqaalihii ama lacagtii soo mari jirtay xawaalada,Taasina waa dhibaato dhaqaale oo daran”.

Xigasho: Radio Ergo

Leave a Reply

Your email address will not be published.