WardheerNews (WDN) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa war-saxafadeed ay soo saartay bishan Oktoobar 11-dii ku sheegtay, in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageeraya Galmudug ku eedeeysey in ay weerar ku soo qaadeen magaalada Gaalkacyo. Puntland ayaa sheegtay in ay heyso cadeymo sheegaya in hub iyo saanad ay Dowladda Federaalku ka soo dejisay magaalada Cadaado iyo Koonfurta Gaalkacyo, lagu caawinayo dagaalka ka dhanka ah Puntland.

Magaalada Gaalkacyo oo lagu qiyaasay in ay hoy u tahay dad ku dhow 150,000, ayaa dagaalladaasi sababeen barakac xooggan oo gaadhaya 50,000 oo qof, taasi oo u dhiganta 33% shacabka ku nool magaalada. Ilaa iyo hadda waxa la sheegay in ay dhimashada dagaalladaasi gaadhayso 11 qof.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Md. Cumar C/rashiid uu u kala dab qaadayo labada maamul sidii loo joojin lahaa dagaalladaasi.
Haddaba waxaa wax lala yaabo ah in maanta war saxafadeed ka soo baxay Puntland, lagu sheegay in markii uu Cumar Cabdirashiid ka soo degay Garoonka Garoowe si waan waantaasi loo guda galo, lana joojiyo dagaallada, uu madaxweynaha Puntland u dhoofay isla maalintaasi socdaal lagu sheegay in uu ku tagayo Itoobiya iyo dalka Imaaraadka Carabta (halkan ka akhri war-saxafadeedka). Arinkan oo dad badan oo odorasa arimaha Soomaaliya ay ku tilmaameen wax calqliga ka fog oo u eeg riwaayad loo dhigayo danyarta Soomaaliyeed (political theater.)

Su’aasha iswediinta muddan ayaa haddaba ah 1) gobol ay wali colaaddi ka socoto, 2) islamarkaana sheegtay in xulafo is huwani soo weerartay, 3) ku jira marxalad xaasaasi ah oo ku wajahan ol’ollaha doorashooyinka; miyay haboon tahay in mas’uulkii ugu sareeyay maamulka uu socdaal iskaga baxo!, oo aanu wax mas’uuliyad ah iska saarin muhiimada ay leedahay joojinta iyo maareynta colaaddaasi?
Arintani waxa ay xaqijinaysaa tayada iyo karti darada dadka maanta hogaanka u haya Soomaaliya, oo aan markaasi qorshe iyo dareen toona u heyn shacbiga nasiibka daran ee ay hogaanka u hayaan.
Waxaanu ku boorinaynaa odayo dhaqameedyada, wax garadka iyo shacbiga Gaalkacyo, Puntland iyo Galmudug in ay si wada jir ah ugu guntadaan sidii loo dhameyn lahaa colaaddaasi soo noqnoqotay.
WardheerNews
Leave a Reply