Ciiddamada Daraawiishta Jubbaland oo Xarakada Al-shabaab kala wareegay saldhigyo ay ku lahaayeen Waqooyiga gobolka J/Hoose

Kiismaayo, (WDN)- Howlgalladan oo ay ciiddamadu ku bartilmaameedsanayeen fariisin ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku lahaayeen tuulo ku dhow deegaanka Buulogaduud ayay ku guuleysteen in ay burburiyeen saldhig ay kooxdaasi ku lahayd deegaanka Wirkooy.

Maleeyshiyaadkii ku sugnaa deegaanka Wirkooy ayaa isku dayay in ay ka hortagaan weerarka, balse ciiddamada ayaa ku guuleystay in kooxdaasi ay kala wareegaan deegaanka.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ee Buulogaduud ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku laayeen maleeyshiyaadka ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana kala wareegeen saanad militari.

Gobolka Jubbada hoose ayaa ka mid ah meelaha ay weli xoogga ku leeyihiin maleeshiyada Al Shabaab iyadoo waayadan dambe uu maamulka Jubbaland dadaal ugu jiro sidii guud ahaanba ururka Al shabaab looga sifayn lahaa deegaanada Jubbaland.

Foos cali
WardheerNews, Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.