Muqdisho, Ciidanka millateriga Soomaaliya oo gacan ka helaya maleeshiyada loo yaqaan macawislayda ayaa la wareegay degmada Fiidow oo dhacda xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maamulka dowlad gobolkeedka Hir-Shabelle, kadib dagaal culus oo ay la galeen maleeshiyaadka xarakada Alshabaab.
Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in howgal qorsheysan ay xalay saqdii dhexe ku qaadeen degmadaasi iyo deegaanno kale oo hoos yimaada isla markaana ay gacanta ku dhigeen deeganadaas, waxa ayna tilmaameen in weli ay ku raadjoogaan firxadka kooxda oo weli dagaaladu socdaan.
Wararka deeganadaas laga helayo ayaa tilmaamaya in halkaas dagaal culus uu ka dhacay oo la isku adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan, khasaaro xoog lehna uu ka dhacey. Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Alshabaab oo ku aadan sheegashada dawladda Soomaaliya.
Milatariga Soomaaliya ayaa muddooyinkaan danbe waxa ay hawlgallo ballaaran ka wadaan deegaano hoostaga maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, iyagoo garabsanaya maleeshiyaad deegaanka ah, kadib markii kooxda Alshabaab ay sare u qaadey weerarada ay ka fuliso maamuladaasi.
Maxamed Cumar Sh. Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply