Muqdisho (WDN) Ciidamada Xoogga Dalka (SNA) iyo ciidanka hawlgalka midowga Afrikaa ee ATMIS oo is kaashanaya, ayaa hawlgal wada jir ah ka qaadey ay ku beegsadeen maleeshiyada xagjirka ah Alshabaab deegaanada u dhaxeeya degmooyinka Baraawe iyo Shabeelle. Goobahaas oo saldhigyo ciidan u ahaa xubno kooxda Alshabaab ka tirsan.
Taliyaha ururka 25-aad ee xoogga dalka Gaanshaanle Sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale, ayaa tilmaamay in deegaannadii ay howlgallada ka sameeyeen ay ka saareen xubnihii kooxda Alshabaab waxa uuna intaa ku darey in xubno dhawr ah oo kooxda ka tirsan ay hawlgalkaa ku dileen, halka qaarka kalena ay ka kala firxadeen.
Hawlgalkan maanta ay sida wada jirka ah u qaadeen ciidamada xoogga iyo ATMIS ayaa imaanaya maalmo uun ka dib weeraro qorsheysan oo ismiidaamin ah oo kooxda Alshabaab ku beegsadeen masuuliyiin sarsare oo ka tirsan maamulka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.
Weerarada ismiidaaminta ah ee dhiigga badan uu ku qubtey ee kooxdu ay qaadey, ayaa waxaa lala beegsadey oo lagu diley Wasiirka Cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyahi Degmada Marka.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply