Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaabiga u saaran degmada Ceelbuur ee Xudinta Alshabaab

Muqdisho (WDN)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamada dawladdu ay wadaan abaabulkii ugu danbeeyey ee ay ku doonayaan in ay kula wareegaan Ceelbuur oo ah magaalada ugu muhiimsan ee kooxda Alshabaab ay gacanta ku hayso.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Caraaye kana mid ah saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka dawladda federaalka ku doonayso in ay kula wareegto Ceelbuur,  ayaa sheegay in haatan ay kaabiga ku hayaan degmadaasi islamarkaasna Alshabaab halkaasi ka saaraan.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmada Ceelbuur, waxa uuna u mahadceliyey dadka deegaanka oo uu sheegay in ay si dhaw ula shaqeynayaan ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka Macawisleyda.

La wareegista ciidamada dawladda federaalka iyo maleeshiyaadka deegaanka ee garabka u ah degmada Ceelbuur, ayaa ka dhigan in kooxda Alshabaab awoodii ballaarnayd ee ay ku lahayd deegaanada maamulka Galmudug la wiiqay oo kooxdu kusoo koobantay deegaanada fog ee baadiyaha ah. Halkaasi oo ay suurogal tahay in ay kasoo abaabulaan weerada gaadmada ah iyo qaraxyada ismiidaaminta. Alshabaab ayaa gobolka Galgaduud saldhigyo waa wayn ku lahayd oo ay toban sano ka talineysay, balse waxaa bilihii u danbeysay ay lumisay deegaanadaasi oo ay ka mid ahaayeen magaalada Xarardheere xudinta 1-aad ee Alshabaab iyo deegaanka istaraatiijiga ah ee Galcad oo saaka weerar gaadmo ah ku qaadeen.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.