Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo wax kama jiraan ku tilmaamay hadallo sheegay in ay xarunta Golaha Shacbka ay la wareegeen

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo wax kama jiraan ku tilmaamay hadallo sheegay in ay xarunta Golaha Shacbka ay la wareegeen

Muqdishu (WDN)- Waxa shalay la shaaciyay in ciidamo gaar ah ay la wareegeen xarunta golaha shacabka ee Somaaliya, kuwaasi oo lagu sheegay in ay ahaayeen ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Shir Jaraa’id oo maanta uu qabtay Afhayeenka howl-galka Midowga Afrika AMISOM Lt Colonel Wilson Rono Col. Rono  ayaa lagu beeniyay hadallo sheegay in Ciidamada Amisom ay la wareegeen Xarunta golaha Shacabka, isgoo  ku tilmaamay wax kama  jiraan wararkaasi sheegaya in ay ciidamadooda kala wareegeen kuwa dowladda Federaalka ah ammaanka

Afhayeenka, waxaa uu sidoo kale sheegay in ay iska caadi tahay in ciidamadooda ay ilaaliyaan xarumaha dowladda “Waxaan ilaalinnaa oo aan sugnaa amniga guud ee  xarumaha dowladda sida Baarlamaanka, Villa Somalia iyo goobo kale, taasi in ay keentay ayaa laga yaabaa hadalladaani been abuurka ah .

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ku eedeeyay in ciidamadiisu la wareegeen xarunta golaha, si loo carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka.

Colonel Wilson Rono Col. Rono, ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadeen ee ah sugidda amniga xarunta uu ka dalbadey Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari, balse Aysan aheyan waxa ay iyaga iska maageen.

Foos Cabdi
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.