Kismaayo, Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo waxa ay sheegayaan in bishii May 29 keedii ay deegaanka Gaabow Gabdhoole oo 40 km u jira magaalada Kismaayo ay tageen ciidamo isugu jira Danab iyo kuwa Jubbaland ayna dhibaato xoog leh u geysteen hantidii dadka shacabka ah ee halkaas deggenaa.
Tuuladan oo ay degto beesha Geri Koombe ayaa la sheegayaa in ciidamdaasi ay gubeen illaa 8 guri iyo 2 dukaan iyadoo aan illaa hadda la garan sababta ka dambaysa arrintaas foosha xun ee ay ku kaceen ciidamadaasi.
Dadka degaankaas oo aannu qaar ka mid ah la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in aanay garanayn sababta weerarka loogu geystay, hantidoodiina loo gubay. Waxa ay intaa ku dareen in illaa hadda cid dhinaca dawladda Jubbaland ah oo la soo xidhiidhay aanay jirin. Waxa kaloo ay noo sheegeen in ciidamadaasi markii ay gubeen guryaha ay hore u sii kaxaysteen mid ka mid ahaa dadka degaanka deggan.
Ugu dambayn waxa ay sheegeen in ay jawaab degdeg ah ka rabaan dawladda Jubbaland oo ku aaddan dhibaatooyinka loo geystay, magdhawna ka bixiyaan khasaaraha ay ciidankoodu geysteen islamrkaana sharciga lala tiigsado askartii ka dambaysay dhibaatada loo geystay shacabkaas aan waxba galabsan iyo hantidooda.
Warar kale oo aan ka helnay magaalda Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada nabad sugidda ee Jubbaland ay la soo xidhiidheen oday dhaqameeyada beesha ee ku sugan magaalada Kismaayo, una sheegeen in aanay shiri karin kana hadli karin gabbood falada ka dhacay deegaanka Gaabaow. Waxa ay sidoo u sheegeen in aanay la xidhiidhi karin saxaafadda. Arrintaas oo ah mid sharciga baal marsan iyo tacaddi kale oo loo geysteen beeshaas iyo dadka deggen degaankaas.
Ilaa iyo hadda war rasmi ah kamay soo saarin maamulka Jubbaland dhacdadan foosha xun iyo tacaddiga ay ciidankoodu ka geysteen deegaanka Gaabaw Gabdhoole.
WardheerNews, Kismaayo.
Leave a Reply