Ciidamada gaarka ah ee DANAB oo hawlgallo ballaaran ka wada gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamada gaarka ah ee DANAB oo hawlgallo ballaaran ka wada  gobolka Shabeelaha Hoose

Muqdisho, Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAD  ayaa ka bilaabay hawlgallo ballaaran oo lagu beegsanayo saraakiisha sarsare ee Alshabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ah goobaha aadka ugu xooggan yihiin kooxda Alshabaab ku sugan.

Hawlgal maanta ciidamada DANAB ay ka fuliyeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayey ku dileen sarkaalkii Kooxdaas u qaabilsanaa Sahanka iyo Sirdoonka kaasi oo magaciisa lagu sheegay Xasan Suleymaan Cali.

Qoraal kasoo baxay taliska Danab ayaa lagu sheegay in sarkaalkaas la dilay oo ahaa mid aad halis ugu ah bulshada deegaanka iyo shacabka Soomaaliyeed, horeyna usoo qabtey xilal kala duwan sida uruurinta waxa kooxda Alshabaab ugu yeeraan Zakawaatka.

Muddooyinkii u danbeeyey ayaa ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya waxa ay gobolka Shabeelaha Hoose ka wadeen hawlgallo ka dhan kooxda Alshabaab oo waqtiyadii u dambeeyay awoodooda ku ballaaratey gobolkaas. Waxay hawlgalladani kusoo beegmayaan ka dib markii uu ku dhawaaqay madaxweynaha dhawaan la doortey ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in ay ku dhaqaaqi doonaan hawlgallo ka dhan ah kooxda Alshabaab oo looga xoreynaayo deegaannada gacantooda ku jira.

Maxamed Cuamar Sheekh Aadan

WardheerNews, Muqdisho